Madaxweyne Shariif oo maanta ka hadlay heshiiskii Kambala iyo qodobo kale


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Mudane Sh. Shariif Sh. Axmed ayaa guul weyn ku tilmaamay dilkii ay ciidamada Dowladda Soomaaliya u geysteen Fasuul Cabdullaahi Maxamed Horjoogihii kooxda Al-qaacidda ee bariga Afrika, isagoo dhanka kale sheegay in Heshiiskii Kambala lagu gaaray la hor dhigi doono Baarlamanka Soomaaliya.

Mudane Sh. Shariif Sh. Axmed Madaxweyanaha Soomaaliya oo maanta duhurkii Shir jaraa’id ku qabtay xarunta Madaxtooyada Qaranka ayaa ugu horreyntii uga tacsiyeeyay falkii lagu dilay Wasiirkii arrimaah gudaha iyo amniga Qaranka isagoo sheegay in gacan khiyaano ah ay ka dambeysay dilka Wasiirka.

Dhanka kale waxa uu Madaxweyanaha Soomaaliya ka hadlay dilkii ay Ciidamada Qalabka sida ee Soomaaliya u geyteen Fasuul Cabdullaahi Maxamed oo ahaa horjoogihii kooxda Al-qaacidda ee bariga Afriaka,  waxa uuna ku tilmaamay dilkiisa guul weyn oo u soo hoyatay bulshada Soomaaliyeed maadaama uu muddo dheer ku dhuumaaleysanayay gudaha dalka,  islamarkaana uu Sooamaliya soo galay sanadkii 1996-dii, waxa uu tilmaamay Madaxweynuhu inuu Fasul ka dambeeyay dilalkii loo geystay Wasiirro ka tirsana dowladda Soomaaliya kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Cumar Xaashi Aadan, Wasiirkii hore ee Amniga Qaranka, Suleymaan Colaad Roobe, Prof. Cadow, Marwo Qamar Aaden Cali, Axmed Waayeel iyo Xubno kale.

Madaxweynaha aaya ugu hambalyeeyay ciidamaad Qalabka sida guusha ay u soo hoyeen dowladda maadaama ay toogteen nin baadi goob loogu jiro kaas oo ay Dowladda Mareykanka dul saartay madaxiisa 5-Milyan oo Doller, isagoo dhanka kale xusay inay ciidamadu qabaan tababarro wanaaagsan oo ay ku soo qaateen gudaha iyo dibadad dalka.

Madaxweyanaha ayaa ugu mahadceliyay Dowladaha caawiyay Ciidamaada dowladda oo ay ka mid yihiin Jabuuti, Ethoipia, Suudaan iyo kuwo kale waxa uuna ugu baaqay Dowladaha Yurub oo ay ka mid yihiin Jarmalka iyo Faransiiska inay sii kordhiyana tageerrada ay siinayaan Ciidamaad Soomaaliya.

Muydane Shariif Sh. Axmed Madaxweyanaha Soomaaliya ayaa dhanka kale saxaafadda u soo bandhigay Documentiyo uu lahaa fasuul Cabadlla kuwaas oo ay ka mid ahaayeen Baasaboorro, sawirro, kaarto uu u jeexay Dagaalka magaalada Muqdisho, qoraal tacsi ah uu udiray geeridii Usaama Bin ladin iyo weliba Documentiyo kale.

Madaxweyanah aayaa xusay inay ciidamadu ku guuleyteen inay toogtaan ninkaasi talaadadii la soo dhaafay islamarkaasna ay ciidamada amniga ee Dowladda baaritaanno sameeyeen iyaga oo la kaashanaya Dowladda Mareykanaka oo markii dambe la xaqiijiyay geerida ninkaasi.

Danka kale Madaxweynahs Soomaaliya waxa uu ka hadalay shirkii ka dhacay Magaalada Kampala isagoo tilmaamay in looga hadlay arrimo dhowr ah oo ay ka mid ahayeen sidii xal looga gaari lahaa ismari waaga siyaasadeed ee ka dhex jira hay’adaha dowladda waxa uuna farta ku fiiqay in Baarlamanka Sooamaliya xubno ka tirsan ay sheegeen inay jirto caqabad taagan oo ah inaysan wada shaqeyn Karin Baarlamanka iyo Xukuumadda, iyadoo R/wasaare Farmajo looga yeeray shirka kadibna uu ku qancay inuu is casillo.

Madaxweyanaha ayaa xusay in heshiiskii Kampala uu ka dhashay inay dadka dibad baxyo dhigaan taas oo uu ku tilmaamay in loo baahnayahya in dareenkooda ay muujiyaan dadweynaha hase ahnaatee waxa uu xusay Maadxweynuhu inaysan suurtagal aheyn in marnaba la aqbalo shakhsiyaad abaabula dibadbaxyo kuwaas oo doonaya inay fushadaan dano gaar ah.

Madaxweyanaha ayaa ugu dambeyntii ugu baaqay qeybaha kaladuwan ee Bulshada Soomaaliyeed inay taageeraan fikirka dowladnimada waxa uuna hoosta ka xariiqay in heshiiskaasi la horkeen doono Barlamanka si ay go’aan uga qaataan.

Add New Comment