Ra'iisul Wasaare Farmaajo Oo kahadlay Qaraxi lagu Qaarijiyay Wasiirka Arimaha Gudaha


Ra’iisul Wasaare Shacbiyada Badan Mudane Maxamed C/llaahi Farmaajo oo caawa siiyay wareysi gaar ah Idaacada Codka Mareykanka Laanteeda Afka Soomaaliga “VOA” ayaa waxa uu ka hadlay qaraxi ismiidaamin ee lagu qaarijiyay wasiirkiisa Arimaha Gudaha iyo Amniga Qaran Mudane C/shakuur Sheekh Xasan Faarax.

Ra’iisul Wasaarah ayaa tacsi udiray dhamaan Umada Somaliyeed gaar ahaan ehelka iyo qaraabadi oo ka geeriyooday alaah unaxariiste marxuumka waxa uuna eebe uga baryay Janatu Fardowsa.

Mudane Farmaajo ayaa dhanka kale waxa uuyiri, “falkaani Wuxuu  yahay mid diin la’aan ah, Islaam La’aan Ah, Naxariis La’aan, Cidi ku faantana ay muujisay damiirkeeda cadawtooyo ee umada uqabaan waxana balan qaadeena inaan umada ka qaban doono , Hadii Alle Idmo” ayuu yiri Mudane Farmaajo.

Max’ed C/llaahi Farmaajo ayaa fariin udiray kooxda shabaab oo iyada ah kooxda sheegatay mas’uuliyada weeraraka waxa uuna ra’iisul wasaaraha yiri, “ Shacabka Soomaaliyeed waan ka dulqaadi doonaa kooxaha caadeestay falalka naxariis la’aanta ah”


Add New Comment