Farmaajo oo sheegay in ay qasab tahay in la aqbalo rabitaanka shacabka


Ra’iisul wasaaraha Xukuumada KMG Soomaaliya ayaa sheegay in lagu qabsanyahay in la aqbalo rabitaanka dadka shacabka ah ee banaabaxyada ka dhigaya magaalada Muqdisho, isagoo fariin u diray ciidanka xooga dalka Soomaaliyeed.

Max’ed Cabdullaahi Farmaajo oo maanta ka hadlayay Idaacada ku hadasha afka dowlada ayaa ugu horeyn u mahad celiyay shacabka ku banaanbaxaya Magaalada Muqdisho iyo gobolada dalka ee ka soo horjeeda iscasilaadiisa, waxaana uu tilmaamay in ahmiyadda ay siinayaan rabitaanka dadka shacabka ah.

Ra’iisul wasaare Farmaajo waxa uu sheegay in uu maqlayay dhawaqa iyo sawaxanka ay sameynayaan dadka banaanbaxa dhigayay isagoo xusay in loo baahanyahay in la aqbalo rabitaanka dadka shacabka ah maadaama talada dalka ay wax kuleeyihiin.

“Ugu horeyn waxaan u mahad celinayaa dadka dareenkooda muujinaya ee qoroxda taagan, waxaan kaloo mahad u celinayaa ciidamada qalabka sida, bulshada rayidka, Salaadiinta, haweenka iyo dhalinyarada waxa ay isiiyeen taageero aan waligey hilmaami doonin, waan maqlayaa banaanbaxyadiina iyo shucuurtiina, waxaana qasab ah in aan wax ku qaadano talada dalka waxbaad ku leedihiin, waxa aad dooneysaan in la aqbalana waa qasab” ayuu yiri Ra’iisul wasaare Farmaajo

Max’ed Cabdullaahi Farmaajo waxa uu dhinaca kale fariin u diray shacabka iyo ciidamada qalabka sida, isagoo ugu baaqay shacabka in la joojiyo dhaq dhaqaaqyada faraha badan ee ay sameynayaan, halka ciidamada dowladdana uu ugu baaqay in ay difaacooda ku jiraan islamarkaana aysan qasaarin guusha ay ka gaareen dagaaladii ugu dambeeyay ee ka dhacay Magaalada Muqdisho.

“Shacabka midbaan leeyahay, ciidamadana midbaan leeyahay, shacabka qoraxda taagan waxan leeyah guryihiina dib ugu noqda, waxaan  doonayaa in dhaq dhaqaaqyadaan faraha badan la joojiyo, ciidanka qalabka sida ee geesiyada ah waxaan leeyahay difaaciina ku jira una dhinta dalkiina hooyo guusha aad gaarteena dib yaan looga noqon, cadowgu waxa ay u egtahay in uu guuldareystey waxaan leeyahay yaan la xoojin” ayuu sii raaciyay Farmaajo

Ra’iisul wasaaraha Xukuumada KMG waxa uu dhinaca kale sheegay in hadafkii koowaad ee Xukumadiisa ay aheeyd in amaanka dalka dib loo soo celiyo, isagoo xusay in ay u hagar baxeen sidii ay mushaarka ku siin lahaayeen ciidamada dowladda KMG Soomaaliya si amaanka ay dib ugu hantaan.

“Waxaan horay ugu dhawaaqnay in ahmiyada xukuumadu ay tahay dhanka Amaanka, waana u hagar baxney ALLE ayaana ku mahadsan, waxaan xuquuqdoodii siinay ciidanka qalabka sida si ay uga hortaan cadowga ayna u soo celiyaan wadaninimadii iyo sharaftii lagu yiqiinay Soomaaliya” ayuu hadalkiisa ku soo gaba gabeeyay Ra’iisul wasaare Farmaajo.

Add New Comment