Mudaaharaadyo lagu taageerayo Xukuumadda KMG ah oo maalintii labaad ka socda Magaalada Muqdisho


Waxaa maalintiil labaad magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya ka socda dibadbaxyo lagu taageerayo ra'iisul wasaaraha Soomaaliya Max'ed C/llaahi Farmaajo iyo xukuumaddiisa, iyadoo dadku ay xireen qaar ka mid ah waddooyinka ku yaalla degmooyinka ay dowladdu ka taliso.

Isgoyska KM-4 oo ah mid ka ugu mashquulka badan goobaha ay dowladdu ka taliso ayay dibadbaxyaal careysan xireen iyagoo u diiday gaadiidku maraan, iyagoo sidoo kale ku shiday bartamaha isgoyskaas taayarrada gaadiidka si ay u muujiyaan cararooda.

Mudaaharaadyadan oo soo billowday shalay ayaa ka dhashay qodob ka mid ah kuwii kasoo baxay heshiiskii ay madaxda DKMG ah ku gaareen dalka Uganda oo ahaa in ra'iisul wasaaraha KMG ah ee Soomaaliya uu is-casilo lana kala diro xukuumadda.

"Waxaan kasoo horjeednaa in ra'iisul wasaaraha Soomaaliya lagu qasbo inuu xilka ka dago, waxaan doonaynaa isaga, inta go'aankaas laga laabanayana dibadbaxyadu way soconayaan," ayay tiri haweeney waayeel ah oo ka mid ahayd dadkii qaybta ka ahaa dibadbaxyada maanta socda.

Bannaanbaxyada maanta ayaa u muuqda kuwo ka yar kuwii shalay, balse dadka ka qaybqaadanaya oo u badan dhallinyaro ayaa waxay ku dhawaaqayeen erayo ay ku diidan yihiin labada Shariif, waxayna goobaha furan ku qabsbeen in la xiro.

"Ujeeddada iscasilaadda Farmaajo iyo kala diridda xukuumadda waa mid muujinaysa inaan la doonayn nabad ka dhalata Soomaaliya," ayay HOL u sheegeen dhowr ka mid ahaa dhallinyaradii ka qaybqaadanayay mudaaharaadka, kuwaasoo isugu jiray rag iyo dumar.

Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo dib ugu laabtay shalay magaalada Muqdisho ayaa si kooban ula hadlay taageerayaashiisa isagoo ugu baaqay inay isdajiyaan, balse ma uusan sheegin inuu xilka ka dagayo iyo in kale.


Add New Comment