Burundi oo ciidamo hor leh u soo direysa Soomaaliya


Sida ay ku warranta saxaafadda waddanka Burundi ayaa waxaa jira warar sheegaya in dalkaasi uu ciidamo hor leh u soo diri doono dalka Soomaaliya, kuwaasi oo ku soo biiri doona ciidamadii Burundi iyo Uganda horey uga joogay magaalada Muqdisho ee Midowga Afrika (AMISOM).

Wasiirka Gaashaandhigga ee dalkaasi Burundi Gen. Germain Niyoyankana ayaa la sheegay inuu hadal u jeediyay ciidamadan una sheegay inay tegi doonaan dalka Soomaaliya oo ay ka socdaan dagaallo sokeeye muddo ku dhow labaatan sano, loogana baahan yahay inay waajibaadkooda si wanaagsan u gutaan.

Wasiirka ayaa waxa kale oo uu sheegay in ciidamadaasi ay qayb ka noqon doonaan kuwa AMISOM oo Midowga Afrika uu u diray inay nabadda ilaaliyaan, hay'adaha dowladda Soomaaliyana ka difaacaan kooxaha mucaaradka ee soo weerara.

Gen. Germain Niyoyankana ayaa ugu dambeyntii beesha caalamka ugu baaqay inay gacan ka geeystaan howlaha ciidamada Midowga Afrika (AMISOM) ay ka wadaan gudaha dalka Soomaaliya si loosoo celiyo nabaddii iyo kala dambeyntii burburtay ee dalkaasi.

Midowga Afrika oo in muddo ahba dadaal ugu jiray inay soo dhammeystiraan tirada ciidamada AMISOM oo laga rabay in la gaarsiiyo 8000 oo askari ayaa ilaa iyo hadda ka badin waayey in marba wax xoogaa ciidamo ah laga keeno isla labada dal ee Uganda iyo Burundi.

Add New Comment