Augustine Mahinga oo loo magacaabay ergayga Qaramada Midoobay ee Soomaaliya


Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay Mr. Ban Ki Moon ayaa arrimaha dalka Soomaaliya u magacaabay ergay cusub oo u dhashay waddanka Tanzania, kasoo lagu magacaabo Augustine  Mahinga, wuxuuna beddelayaa ergaygii hore ee Qaramada Midoobay Ahmedou Ould Abdalla oo saddexdii sano ee lasoo dhaafay xilkaasi haayey.

Ergayga cusub ee ay Qaramada Midoobay u soo magacowday arrimaha Soomaaliya Mr. Augustine Mahinga ayaa waxa uu horey uga soo shaqeeyey Hay'adda Qaxootiga Qaramada Midoobay (UNHCR) ee waddamada Liberia, India, Italia iyo Malta kuwaasoo uu dhammaantood kasoo qabtay jagooyin sar sare.

Ergaygii hore ee Qaramada Midoobay ee xilka laga qaaday Mr. Ahmedu Ould Abdalla ayaa waxa lagu xusuusan karaa kaalintii uu kasoo qaatay heshiiskii Jabuuti ee lagu soo dhisay Dowladda KMG ee Soomaaliya ee uu hoggaamiyo Madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Add New Comment