Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif oo ka hadlay shirka ay dalalka Afrika iyo Faransiisku ku yeesheen Magaalada Nice

 Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa Isniintii shalay hadal ka jeediyay shirka Afrika iyo Faransiiska uga socda Magaalo xeebeedda Nice ee dalka Faransiiska.

Madaxweyne Sheekh Shariif wuxuu ka codsaday Madaxdii shirkaas ka qaybgalay oo ka socday 40-wadan oo Afrikaan ah in dowladdiisa gacan laga siiyo sidii ay dib ugu soo celin lahayd amaanka iyo kala-dambeynta.

"Beesha Caalamka waxaan uga mahadcelinayaa taageerada joogtada ah ay siiyaan xukuumaddiisa si ay u soo celiso ammaanka iyo kala dambeyn, balse weli waxaan u baahannahay in gacan nalaga siiyo soo celinta ammaanka, dib u dhiska hay'adaha dowladda iyo maareynta xaaladaha bani'aadamnimo ee taagan" ayuu yiri Madaxweyne Sheekh Shariif oo shirka ka jeediyay hadal dheer.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in dowladda Soomaaliya ay dagaal kula jirto kooxo uu ku sheegay inay xiriir la leeyihiin Ururka Al-Qaacida, kuwaasoo uu sheegay inay doonayaan inay xukunka ka tuuraan Dowladda, sidoo kalena burcadbadeeddu ay tahay dhibaato kale oo hortaagan xukuumaddiisa.

"Amaanka dalka in la sugo waxay ku xiran tahay in dadku ay helaan shaqo, gaar ahaan dhallinyarada loo adeegsanayo dagaallada, tanina waxay qayb ka tahay qorshayaasha xukuumaddu ay doonayso inay higsato" ayuu hadalkiisa ku sheegay Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Madaxda Shirkadaha Faransiiska ee shirka ka qaybgalay ayuu ku boorriyay inay maalgeshi ku sameystaan Soomaaliya, oo uu sheegay inuu yahay dal hodan oo ay ku jiraan Shidaal, Gaas Dabiici ah, lehna beero, Macdan, Xoolo Nool iyo Kheyraad badeed aad u ballaaran.

"Shacabka Soomaaliyeed waxay diyaar u yihiin inay garabsadaan cid walba oo gacan ka siinaysa soo saaridda Khayraadka ku jira dhulkooda si looga faa'iideysto" ayuu yiri Madaxweyne Sheekh Shariif.

Madaxweynaha Soomaaliya ayaa ugu dambeyn wuxuu ka codsaday Madaxweynaha dalka Faransiiska oo shirkan martigeliyay Nicolas Sarkozy in dalkiisa uu ballaariyo kaalmooyinka uu siiyo shacabka iyo Dowladda Soomaaliya.

Add New Comment