Wasiirka Gaashaandhigga ee DKMG ah Soomaaliya oo sheegay inuu badalaayo qaabka ay ciidanka dowladda ay ula dagaalamayso Kooxaha kasoo horjeeda


Abuurka Cabdi Cismaan (Mardaadi) oo ah Wasiirka Difaaca ee DKMG ah ee Soomaaliya mar uu manata saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho waxa uu sheegay inuu wado qorshe cusub oo lagooga badbaadinaayo shacabka dagaallada ay Dowladda KMG ah ee Soomaaliya ay kaga horjeedo xoogagga hubeysan ee mucaaradka.

Wasiirka ayaa sheegay in qorshahani uu yahay mid aad loogu yareynayo khasaaraha madaafiicda ay u gaystaan  dadka shacabka ah,markii laysku farasaaro degmooyinka ay dagaalladu  ku dhexmara  ciidanka Dowladda KMG ah ee Soomaaliya oo kaashanaya ciidamada AMISOM iyo Xoogagga hubeysan ee kasanoo horjeeda.

Wasiirka waxa uu sheegay in qorshe cusibi uu yahay in xabbada iyo madaafiicda ay ku koobnaato goobaha ay dagaalladu ka socdaan oo keliya oo aan loo baahnayn  duqeymaha loo geysanayo magaalada Muqdisho.

Wasiirku wuxuu sheegay in ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda KMG ah loo sameyn doono qorshahaasi dagaal, si xabbada iyo madaafiicda ay ugu  koobnaato goobaha ay dagaalladu ka dhacayaan oo keliya taasi oo keeni doonta in dadka shacabka ah ay ka badbaadaan dhaawac iyo dhimashaba..

Ugu dambaystii wasiirka waxa uu caddeeyay  ciidamada dowladda KMG ah  ee dhexmaraya Magaalada Moqdishu inaanay dhibaato u gaysan doonin  shacabka  , balse ay noqon doonaan ciidamado howlagalo ku jira iyo difaac.

Add New Comment