Dowladda Eriteriya oo ku tilmaantay go'aankii IGAD mid lagu sii hurinayo dagaallada iyo qalalaasaha ka jira dalka Soomaaliya


Xukuumadda Eriteriya ayaa waxay ku tilmaantay go'aankii kasoo baxay dalalka IGAD ee ciidamada dheeraadka ah lagu geynayo Soomaaliya uu yahay mid lagu sii hurinayo dabka ka holcaya Soomaaliya.

Wasiirka Warfaafinta ee Eriteriya Cali Cabdow oo la hadlay VOA-da ayaa sheegay in sababaha ugu waaweyn ee xoojinaya dagaalada ka socda Soomaaliya ay tahay faragelinta caalamiga ah ee lagu hayo dalkaas.
"Faraginta shisheeye ee ay ka mid tahay waxa ay ugu yeereen Nabad Ilaalinta, gargaarka bani'aadamnimada iyo la dagaalanka Argagaxisada ayaa ah sababta ugu weyn ee ay Soomaaliya ka dagi la'adahay" ayuu yiri Wasiirka Wafaafinta Eriteriya.

Wasiirku wuxuu sidoo kale sheegay in Itoobiya ay culeys weyn ku hayso Soomaaliya loona baahan yahay in dadka Soomaaliyeed loo daayo inay iyagu ka tashadaan Aayahooda iyo mustaqbalkooda.

"Eriteriya waxay mar walba ku baaqaysaa in Soomaalida loo daayo sidii ay iyagu xal uga gaari lahaayeen muranka siyaasadeed ee u dhexeeya, waxaana u aragnaa in faragelin lagu sameeyo ay tahay mid aan xal u ahayn Soomaaliya oo ay dagaalo ka jireen labaatankii sano ee ugu dambeeyay" ayuu yiri Wasiirka Wafaafinta Eriteriya.
Sidoo kale Wasiirku wuxuu sheegay in go'aanka IGAD uu yahay mid aan xiligan dan u ahayn Soomaaliya, ayna ka digayaan in ciidamo dheeraad ah la geeyo, isagoo sheegay in tusaale loo qaadan karo faragelintii Itoobiya ay ku sameysay Soomaaliya sannadkii 2006.

Ugu dambeyn Wasiirka Wafaafinta Eriteriya wuxuu dhinac isaga riixay inay taageero siiyaan kooxaha Islaamiyiinta ah ee dagaalka kula jira Soomaaliya, iyadoo Qarammada Midoobay ay Eriteriya ku saartay cunnoqabatey inay kaalmo siiso kooxaha hubeysan ee ka dagaalama Soomaaliya.

Add New Comment