Afhayeenka Al Shabaab Shiikh Cali Maxamuud Raage IGAD Ciidan kasta ay keenaan iyo hub kasta ay wataan inay burburin doonaan



Shiikh Cali Maxamuud Raage waxa uu ku tilmaamay shirkii madaxda IGAD ugu soo dhammaaday  magaalada Addis Ababa qorshe ay Dowladda KMG ah ay wado sidii ay dib ugu soo celin lahaa Ciidamadii Itoobiyaanka taasina waxa uu yiri waxay ku caddahay Qodobada ka soo baxay Shirkaasi.

Kulanka IGAD ee dalalka ku bahoobay  wadamada Uganda, Itoobiya, Jabuuti, Sudan, Kenya iyo Soomaaliya ayaa dib loogu eegay xaaladda qatarta oo ay ku sugan tahay Dowladda KMG ah ee Soomaaliya iyo AMISOM.

Shirkaasi mar uu ka hadlay madaxweynaha Soomaaliya Shariif Sheekh Axmed waxa uu u sheegay madaxda ku shiraysa Addis Abbaba ee IGAD in Xoogaga Islaamiyiinta ay qarka u saaran yihiin in ay qabsadaan Xarunta Madaxtooyada, taasoo haddii ay u suurtagasho macnaheedu yahay in Soomaaliya ay u gacan galeyso Al-Qaacida, isla markaana loo baahan yahay in si deg deg loogaga soo gaaro inta ay arrintaasi dhicin.

Urur Goboleedka IGAD asagoo ka jawaabaya dalabka  dowladda ka jirto wadanka Soomaaliya ee KMG ah waxa uu isku raacay in xafiis ay ka furtaan soomaliya  7 casho gudahood iyo in si degdeg ah ciidamo labo kun askari gaaraya loo gaarsiiyo magaalada Muqdishu ee wadanka Soomaaliya si ay kaga qayb qaatan dagaalada ay isku hayaan xoogga mucaradka oo kasoo horjeeda Dowladda KMG ah iyo AMISOM oo isku meel ah, dagaaladaasi oo si xawliga daran ku socday todobaadyadii la soo dhaafay .

Afhayeenka Al Shabaab Cali Maxamuud Raage waxa uu sheegay inay Al shabaab Al mujaahidiin ay ka go'antahay Ciidan kasta iyo hub kasta oo ay wataan xataa hadduu kor u dhaafo tiradiisa 20-kun ay sheegeen inay  u diyaarsadeen ciidan lagula dagaalamo kana xureeyo wadanka.

Add New Comment