TACSI - Marxuum Cabaas Maxamed Sheekh


Waxa meel ku dhow degmada Gelinsoor ee gobolka Mudug ku geeriyooday Alle ha u naxariistee Cabaas Maxamed Sheekh Macloow, kaddib markii gaarigii uu la socday ay rasaas ku fureen koox burcad ah oo halkaasi jidgooyo u taalay.

Marxuum Cabaas Maxamed Sheekh ayaa waxa geeridiisa la ogeysiinayaa dhammaan eheladiisa oo kala joogo dalka gudihiisa iyo dibeddiisaba.

Walaalaha ku bahoobay U.I. SilGor waxay ayagoo aad uga tiiraanyeysan geeridaa naxdinta leh ee ku timid marxuum Cabaas tacsi u dirayaan guud ahaan dhammaan eheladii iyo asxaabtii uu ka tagay, waxayna si gaar ah ugu tacsiyadeynayaan aabihii Maxamed Sheekha Macloow oo ay Allaah uga baryayaan inuu sabar iyo iimaan ka siiyo, marxuumkana uu jannadii Fardowsa ka waraabiyo. AAMIIN - AAMIIN - AAMIIN - AAMIIN.

Add New Comment