Waxaa saaka uu dagaal dib uga qarxay qaybaha waqooyi ee magaalada Muqdisho


Dagaallo hor leh ayaa saaka aroornimadii dib uga qarxay degmooyinka Cabdulcasiis iyo Shibis oo ay muddo toddobaad ah ku dagaalamayeen ciidamada Dowladda KMG oo gacan ka helaya kuwa AMISOM iyo ciidanka Xarakatul Shabaab Al Mujaahidiin. 

Dagaallada oo ka socda qaybaha waqooyi ee magaalada Muqdisho ayaa waxa laysu adeegsanayaa hub aad u culus iyo mid fududba ayadoo dhinacyada ay dirirtu u dhexeysana ay kala sheeganayaan guulo iyo inuu midba midka kale kaga gacan sarreeyo dagaalka.

Warar ayaa sheegaya inuu jiro khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo gaaray dadka tirada yar ee rayidka ah ee ku haray xaafadahaasi, ayadoo kuwii doonayey inay goobahaasi isaga cararaanna ay u suurtoobi weyday xoogga dagaalka iyo madaafiicda awgood.

Shacabka reer Muqdisho ayaa quus ka jooga dagaalladan aan dhammaadka lahayn iyo madaafiicda sida arxan darrada ah dushooda laysugu weydaarsanayo, ayadoo sida la og yahay ay dhibaatada ugu badani ay ku dhacdo dadka rayidka ah ee aan waxba galabsan ee ku nool magaalada Muqdisho.


Add New Comment