Cabdullaahi Sheekh Xasan oo ku baaqay in la joojiyo dagaallada Dhagtuur


Guddoomiyaha Xisbiga Nabadda iyo Dimuqraadiyadda mudane Cabdullaahi Sheekh Xasan ayaa ugu baaqay beelaha ku dagaalamaya degaano ka tirsan gobolka Mudug in sida ugu dhaqsiyaha badan dagaaladaasi ay ku joojiyaan.

C/laahi Sheekh Xasan oo ah gudoomiyaha Xisbiga Nabadda iyo Dimuqraadiyadda Soomaaliya ayaa waxaa uu ka hadlay dagaal beeleedyada maalmihii u dambeeyay ka soconayay deegaan lagu magacaabo Dhagtuur oo ka tirsan gobolka Mudug halkaasi oo ay ku dagaalameen Meleeshiyo beeleed kasoo kala jeeda Maamulada Ximan iyo Xeeb iyo Galmudug.

Gudoomiyaha Xisbiga Nabadda ayaa waxa uu musiibo ku tilmaamay dagaalada ka dhacaya halkaasi maadaama deegaanadaasi ay ka jiraan abaaro saamayeeyay dadka iyo duunyada, wuxuuna ugu baaqay dhinacyada isku haya halkaasi inay samayeen nataasul islamarkaana ay maqlaan baaqyada kasoo yeeraya waxgaradka Soomaaliyeed.

Tan iyo markii uu bilaawday dagaalka u dhaxeeya labada Meleeshiyo beeleed ee isku haysta dhul daaqsinka iyo Ceelbiyoodyada ayaa waxaa ku geeriyooday inka badan 30-ruux iyo dhaawaca inka badan 70-ruux, iyadoo aan la’ogayn halka ay ku dambeyn doonto xaaladda deegaankas Dhagtuur ee gobolka Mudug.

Add New Comment