Madaxweyne Sheekh Sharif iyo wafdi uu hoggaaminayo oo maanta u ambabaxay Addis Ababa


Wafdi uu horkacayo madaxweynaha Dowladda KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta ka dhoofay gegida dayaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ayaga oo ku si jeeda magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia oo ay uga qaybgeli doonaan shir madaxeedka waddamada IGAD.

Wafdiga Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa waxa ka mid ah wasiirada Amniga Qaranka Axmed Cabdisalaam Xaaji Aadan, Boostada iyo Isgaarsiinta Cabdirasaaq Juriile iyo ayadoo sidoo kale Addis Ababa horey ugu sugnaayeen wafdi kale oo uu hogaaminayo Wasiirka Arrimaha Dibedda Soomaaliya Yuusuf Dheeg oo uuna ka mid yahay taliyaha Ciidanka Badda Admiral Faarax Axmed Cumar (Fsaarax Qare) oo ayagana ku biiri doona wafdiga madaxweynaha, kuwaas oo dhammaantood ka qaybgeli doona shirka IGAD.

Waddamada xubnaha ka ah Urur goboleedka IGAD ayaa waxa ay ka walwalsan yihiin xaaladda ka sii dareysa ee waddanka Soomaaliya ee ay dagaallada ba'ani ku dhex marayaan xoogagga hubeysan ee Xarakatul Shabaab Al Mujaahidiin, Xisbul Islaam, Ahlu Sunna Wal Jamaaca iyo Dowladda KMG.

Add New Comment