Madaxweyne Sheekh Shariif oo dalka dib ugu soo laabtay


Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdigii uu hoggaaminayey ayaa maanta dib ugu soo laabtay dalka, kaddib markii ay booqasho kusoo mareen dhowr waddan oo Afrikaan ah iyo dalka Talyaaniga, magaalada Kampala ee dalka Ugandana kaga soo qaybgaleen shir-madaxeedka Midowga Afrika.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa kasoo kicitimay magaalada Nairobi ee dalka Kenya kadiib markii uu halkaasi kulamo kula soo qaatay mas'uuliyiinta dalka Kenya iyo ergooyin ka kala socday beesha caalamka, waxaana garoonka dayaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho kaga hortagay mas'uuliyiin ka tirsan xukuumadda iyo barlamaanka.

Madaxweyne Sheekh Shariif oo isla markii uu dib ugu soo laabtay magaalada la hadlayey warbaahinta ayaa ka warramay xaaladda uu waddanku marayo, wuxuuna eedeeyn kulul dusha uga tuuray Xarakatul Shabaab Al-Mujaahidiin oo uu ku sheegay inay dalka Soomaaliya wakiil uga yihiin Ururka Al-Qaacida, mas'uulna ka yihiin barakicinta iyo baaba'a shacabka Soomaaliyeed.

Safarka Madaxweynaha iyo wafdigiisa ee qaatay muddada ku dhow labada toddobaad ayaa waxyaabihii ugu waaweynaa ee ka soo baxay waxa ka mid ah in shir-madaxeedkii Midowga Afrika lagu go'aamiyey in dalka Soomaaliya loo soo diro ciidamo dheeraad ah oo ka socda qaaradda Afrika kuwaas oo xoojin doona ciidamada AMISOM ee haatan ku sugan magaalada Muqdisho si ay u difaacaan xarumaha dowladda Soomaaliya iyo ammaanka madaxda sare ee dowladda.



Add New Comment