Madaxweyne Sheekh Shariif iyo wafdigiisi oo ku sugan magaalada Nairobi


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdigii uu hoggaaminayey ayaa maalinnimadii shalay soo gaaray magaalo-madaxda dalka Kenya ee Nairobi, halkaasoo uu wada hadal kula yeelanayo madaxda dalkaasi.

Safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Kenya danjire Maxamed Cali Amerika ayaa xaqeejiyey in Madaxweyne Sheekh Shariif iyo wafdigiisuba ay haatan ku sugan yihiin magaalada Nairobi ee xarunta waddanka Kenya.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa kasoo kicitimay magaalo-madaxda dalka Uganda ee Kampala kaddib markii ay halkaasi uga soo qaybgaleen shir-madaxeedkii Midowga Afrika, kulannona lasoo qaateen mas'uuliyiin ka tirsan beesha caalamka.

Shir-madaxeedkii Kampala ee Midowga Afrika (AU) ayaa waxa lagu go'aamiyey in dalka Soomaaliya loo soo diro ciidamo dheeraad ah oo ka socda waddamada ku bahoobay ururkaasi, si ay gacan u siiyaan ciidamada AMISOM iyo kuwa dowladda ee difaacaya goobaha ay Dowladda KMG ee Soomaaliya kaga sugan tahay magaalada Muqdisho.

Add New Comment