Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya oo maanta soo bandhigay liiska cusub ee Golaha wasiirrada


Raiisul wasaaraha Dowladda KMG ah ee Soomaaliya Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaake ayaa ugu dambeeyntii maanta si rasmi ah ugu dhawaaqay xubnaha Golaha Wasiirada, kaddib markii uu kala tashaday Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

      Liiska magacyada wasiirrada

 1 - Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) R/wasaare ku-xigeen ahna Wasiirka Dekadaha iyo G. Badda.

 2 - Cabdiraxmaan Xaaji Aadan R/wasaare ku-xigeen ahna Wasiirka kalluumeysiga iyo kheraadka badda.

 3 - Cabdiwaaxid Cilmi Goonjeex R/wasaare ku-xigeen ahna Wasiirka Gaadiidka Cirka iyo Dhulka.

 4 - Cabdikariim Axmed Cali Wasiirka Garsoorka iyo Cadaaladda.

5 - Yuusuf Xasan Ibraahin Dheeg Wasiirka Arrimaha Dibedda.

6 - Sheekh Cabdulqaadir Cali Cumar Wasiirka Arrimaha Gudaha.

7 - Abuukar Cabdi Cismaan Mardaadi Wasiirka Gaashaandhigga.

8 - Axmed Cabdisalaam Xaaji Aadan Wasiirka Amniga Qaranka.

9 - Mustaf Sh Cali dhuxuloow Wasiirka Qorsheynta iyo Iskaashiga Caalamiga ah.

10 - Xuseen Cabdi Xalane Wasiirka Maaliyadda.

11 - Fowsiya Maxamed Sheekh Wasiirka Haweenka iyo Qoyska.

12 - Cabdicasiis Lafta Gareen Wasiirka Xanaanada Xoolaha.

13 - Madoobe Nuunoow Wasiirka Dastuurka iyo Federaalka.

14 - Maxamed Ibraahim Xaabsade Wasiirka Beeraha.

15 - Maxamed Mursal Wasiirka Hantida Qaranka iyo Qalabeynta.

16 - Cali Axmed Jaamac Jengeli Wasiirka Hiddaha iyo Tacliinta Sare.

17 - Prof. Maxamed Cumar Dalxa Wasiirka Dhaqan-celinta iyo Arrimaha Bulshada.

18 - Maxamuud Cabdi Ibraahim (Garweyne) Wasiirka Gargaarka Aadamiga.

19 - Eng. Cadiraxmaan Cumar Cusmaan (Yariisoow) Wasiirka Warfaafinta.

20 - Maxamed Cali Xagaa Wasiirka Cilmi-barista iyo Teknoolajiyada.

21 - Cabdi Xasan Cawaale (Qaybdiid) Wasiirka Macdanta iyo Biyaha.

22 - Xuseen Ceelaabe Faahiye Wasiirka Dib-u-dhiska.

23 - Cabdullaahi Yuusuf Cigaal Wasiirka Dalxiiska iyo Duur-joogta.

24 - Cabdi Xayir Maareeye Wasiirka Shaqada iyo Shaqaalaha.

25 - Maxamuud Jirde Xuseen Wasiirka Caafimaadka.

26 - Cabdiraxmaan Jaamac Wasiirka Tamarta iyo Shidaalka.

27 - Cabdirasaaq Juriille Wasiirka Boostda iyo Isgaarsiinta.

28 - Cabdullaahi Axmed Cabdulle (Azhari) Wasiirka Jaaliydaha.

29 - Cabdirashiid Maxamed Cirro Wasiirka Ganacsiga.

30 - Yuusuf Geelle Ugaas Wasiirka Howlaha Guud iyo Guryeynta.

31 - Cabdalla Boos Axmed Wasiirka Warshadaha.

32 - Burci Maxamed Xamza Wasiirka  Bii'ada iyo Dhirta.

33 - Khadiija Maxamed Diiriye Wasiirka Dhallinyarada iyo Isboortiga.

34 - Maxamed Cabdi Yuusuf Wasiirka Hormarinta Reer Miyiga.

35 - Cabdinuur Macalim Maxamuud Wasiirka Waxbarashda iyo Barbaarinta.

36 - Sheekh Nuur Cali Aadan Wasiirka Owqaafta iyo Arrimaha Diinta.

37 - Xuseen Warsame Samatar Wasiirka Dib-u-heshiisiinta.

38 - Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) Wasiirka Lacagta.

39 - Cumar Cali Rooble Wasiirka Hub ka-dhigista iyo Jiheynta Maleeshiyaadka.

Waxaa liiskan laga waayeye magacyada 2 wasiir oo aad ugu dhodhowaa madaxweyne Sheekh Shariif Sheekh Axmed, kuwaasoo kala ah Dr.Daahir Geelle oo ahaa wasiirkii warfaafinta iyo Sheekh Cabdiraxmaan Janaqoow oo ahaa wasiirkii Caddaaladda.

Add New Comment