Xarakada Alshabaab oo iska fogeysay in ay wax lug ah ku lahayd dagaaladii ka dhacay duleedka bari ee magaalada Boosaaso



Afhayeenka xarakada Alshabaab Sheekh Cali Dheere  warbaahin uu siiyay warbaahinta waxa uu  ku caddeeyay in  Xarakada Al shabaab Al Mujaahidiin in ayan wax lug ah ku lahayn dagaaladii ka dhacay dhulka buuraha Galgala iyo Karin, wuxuuna sheegay inay u dhaxeeyeen ciidamada dowlad goboleedka puntland iyo  dad shacab ah oo mudo badan dhibaato lagu hayay .

Sheekh Cali dheere ayaa si kulul u beeniyey hadaladii kasoo yeeray maamulka iyo madaxweynaha puntland waxuuna yiri"dadka deegaanka markii ay iska caabiyeen dulmiga ciidamada maamulka Puntland ma aha inay ku been abuurtaan xarakada Al Shabaab Al Mujaahidiin ciidamadeedu in  yihiin kuwa la dagaalamaya" .

Sidoo kale  hogaamiye diimeedka Max’ed Saciid Atam  ee dhawaan dagaalka la galay ciidamada Maamulka Puntland ayaa iska fogeeyay inuu ka tirsanyahay Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab wuxuuna  arimihaasi si kulul uga hadlay oo beeniyay  xili uu la hadlayay Idaacada VOA-da.

Max’ed Saciid Atam waxaa uu sheegay  in isaga iyo ciidamadiisu aysan wax xariir ah la laheyn Xarakada Mujaahidiinta Al Shabaab iyo Ururka Al qaacida, waxaana uu sheegay in dagaaladii dhawaan ka dhacay Puntland ay sabab u ahayeen weeraro uu sheegay inay ku soo qaadeen ciidamada PIS-ta Puntland.


Ugu dambeystii waxaa  hogaamiye diimeedka  Maxamad Siciid Atam uu sheegay in dagaalka uu kula jiro maamulka Puntland uu sii wadi doono ilaa shareecada Islaamka looga xukumayo Shacabka reer Puntland.


Add New Comment