Madaxweynaha cusub ee Somaliland Siilaanyo ayaa maanta ku dhawaaqay Golihiisa Wasiirada


Madaxweynaha Somaliland  Axmed Maxamed Maxamuud(Siilaanyo) ayaa maanta ku dhawaaqay golaha wasiirada dowladiisa cusub kuwaasoo ka kooban 20 wasiir oo 2 haween tahay  iyo 6 wasiir ku xigeen oo midi haween tahay .Xukuumadda cusub tii hore ee dhacday waxay kaga duwan thay inay ka mid yihiin xubno tiro badan oo aqoon heer jaamicadeed leh.

Madaxweyne Siilaanyo waxa uu  kasii  cudur-daartay aqoonyahannadii diyaar u ahaa in ay xil u qabtaan Somaliland haddii ay iska waayaan liiska magacaabista Dowldiisa cusub inay howsha halkeedii kasii wadaan .

Liisla Golaha Wasiirada ee Xukuumadda Cusub ee Somaliland

Wasiirka arrimaha gudaha Dr. Maxamed Cabdi Gabboose

Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare Samsam Cabdi Aadan

Wasiirka xannaanada Xoolaha Dr. Axmed Xaashi

Wasiirka maaliyadda Maxamed Xaashi Cilmi

Wasiirka qorshaynta Sacad Cali Shire

Wasiirka hawlaha guud Xuseen Axmed Caydiid

Wasiirka Caafimaad Dr. Xuseen Muxumed Maxamed (Xoog)

Wasiirka gaashaan-dhigga Axmed X. Cali Cadami

Wasiirka ganacsiga, wershadaha iyo dalxiiska Cabdirisaaq Khaliif Axmed

Wasiirka xannaanada, deegaanka iyo horumarinta reer miyiga Dr. Axmed Xaashi Oday

Wasiirka Boosaha iyo isgaadhsiinta Cabdirisaaq Ibraahim Maxamed

Wasiirka caddaaladda iyo garsoorka Prof. Ismaaciil Muumin Aar

Wasiirka Diinta iyo awqaafta Khaliil Cabdilaahi Axmed

Wasiirka shaqada iyo arrimaha bulshada Ilhaan Maxamed Jaamac

Wasiirka kalluumaysiga, khayraadka dabiiciga ah iyo maamulka dekedaha Maxamed Yaasiin Xasan

Wasiirka macdanta iyo tamarta Dr. Xuseen Cabdi Ducaale

Wasiirka ciyaaraha, dhalinyarta iyo dhaqanka Maxamed Xaashi Madar

Wasiirka beeraha Faarax Cilmi Maxamuud

Wasiirka duulista hawada Maxamuud Xaashi Cabdi

Wasiirka warfaafinta Cabdilaahi Jaamac Cismaan Geel-jire


Liisla Golaha Wasiir-ku xigeennada Xukuumadda Cusub ee Somaliland


Wasiir-ku-xigeenka W/waxbarashada Cali Xaamud Jibriil

Wasiir-ku-xigeenka W/Arrimaha dibedda Maxamed Yoonis Cawaale

Wasiir-ku-xigeenka W/arrimaha gudaha Cismaan Garaad Soofe

Wasiir-ku-xigeenka W/Hawlaha guud Cali Cabdi Saa’iq

Wasiir-ku-xigeenka W/Maaliyadda Warsame Siciid Cabdi

Wasiir-ku-xigeenka W/Caafimaadka Nimco Xuseen Qawdhan


 Golaha wasiirada  cusub ee uu magacaabay madaxweyne Siilaanyo ayaa la filayaa in maalmaha soo socda la horgeeyo Golaha Wakiillada, si cod loogu qaado ansixintooda.

Add New Comment