Xarakada Mujaahidiinta al shabaab ayaa waxaa ay guulo ka sheegteen dagaalo shalay ka dhacay Magaalada Muqdisho

.

 Afayeen u hadlay  Ciidanka Xarakada Shabaab Al Mujahaidiin waxaa uu sheegay in ay guulo ka gaareen dagaalo shalay ay ku soo qaadeen ciidamada AMISOM iyo kuwa  Dowlada KMG ah ee Soomaaliya ,waxa uu hadalkiisa raaciyay   xarakada Al Shabaab Al Mujaahidiin inay  qeybo ka mida Dagmada Boondheere ee gobolka Banadir iyo bariga magaalada Moqdishu ay la wareegeen.

Afhayeenku waxaa uu sheegay  ciidamdaasi in ay haatan ku sugan yihiin  xarumahii ay dhawaan ka qabsadeen ciidamada AMISOM iyo kuwa Dowladda  waxuuna caddeeyay in ciidamadda Al Shabaab ay  guulo kasoo hoysay dagaalada ka socda dagmada Boondheere ee Gobolka Banaadir .

 ugu dambaystii Afhayrrnka waxa uu ka sheegay dhanka Bariga magaalada Muqdishu  dagaalo ka dhacay agagaarka saldhiga Bari iyo Dakadii hore  in ciidamada   xarakada Al Shabaab ay  ka awood roonadeen Ciidamii Dowlada KMG ah ee Soomaaliya iyo kuwa AMISOM  waxayna maanta  gabi ahaana la wareegeen xaxunta Saldhiga Bari iyo Dakadii hore ee magaalada Muqdisho.

Dhanka dowlada KMG ah iyo AMISOM  wax war ah kama soo bixin .

Add New Comment