Madaxweynaha Puntland oo sheegay inuu dagaal kula jiro maamulkiisa hogaamiye diimeedka ka tirsan Al-Shabaab


Madaxweynaha maamul Goboleedka Puntland Mr.Faroole,waxa uu sheegay in dagaal lagu soo qaaday Ciidamada Puntland,  dagaalkaasoo ka dhacay duleedka magaalada Boosaaso,Mr Faroole waxa uu sheegay inay guulo ka gaareen dagaalkaasi .

Ka sokow guulaha uu sheeganayo Mr.Faroole in dagaalka ay ka gaareen, ayaa hadana waxaa la soo sheegayaa in ay ku qabsadeen Hogaamiye sare Jaamac Ducaale kaasoo la sheegay inuu ku jiro liiska argagixisada adduunka.

Wariyayaal tagay goobta laysku diriray waxa ay sheegeen in
gaadiid dagaal looga gubay Ciidamada Puntland, askar dhowr ah an ay iskaga dileen labada dhinac.

Ugu dambaystii Mr.Faroole waxa uu ku calacalay  Beesha Caalamka inay kasoo kaalmeeyaan la dagaalanka argagixiso caalami ah oo Puntland kusoo soo duushay,kuwaasoo Ajaaniib  lasoo kireystay iyo ragg Soomaali ah oo Al-Shabaab ka tirsn ay isku soo bahaysteen.

Dagaalada maanta ka dhacay duleedka Boosaaso ayaa waxaa barbar socday dagaalo ka dhaca deegaanada Buuraleyda oo ay ka dilaaceen maleeshiyaad Islaamiyiin ah .

Add New Comment