Shir madaxeedka Afrika oo maanta ka furmaya caasimada dalka Yugandha ee Kampala


Madaxweynaha dowladda KMG ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa ka qayb galay shirmadaxeedka Afrika ee laga furay magaalada  Kampala ee dalka Yugandha.

Ammaanka magaalada caasimadda Yugandha ee Kampala ayaa aad loo adkeeyay iyadoo ciidamo dheeraad ah la geeyay goobaha iyo waddooyinka muhimka ah,sidoo kale waxaana ciidamo shacabka aan laga garan oo dhar cad ah la dhigay agagaaraha goobta uu shirka Madaxda Afrika ka socdo .

Madaxweynaha martageliyay shirkaasi Yuweri Museveni waxa uu hordhigay madaxda Afrika ee shirkaasi kasoo qayb gashay ajando wax looga beddelayayo Ciidamada AMISOM ee haatan ku joogaan Soomaaliya nabad ilaalinta isagoo codsaday in ciidamadaasi loo fasaxo inay weeraraan ciidamada kasoo horjeeda Dowladda KMG ah ee Soomaaliya  .

Shirkaasi ilaa iyo hadda waxaa soo xaadiray 39 hogaaliye waxaana ka maqnaaday madaxweynaha dowladda Masar,madaxweynaha dalka Suudaan iyo qaar kale,waxa sidoo kale shirkaasi kasoo qaybgalay madaxda Afrika ka sokow  diblomaasiyiin reer galbeed ah oo uu ka mid yahay Wasiirka Waaxda Horumarinta Afrika Britain Henry Bellingham iyo kuwo kale.

Shirka ayaa lagu wadaa ajadaayaasha ugu kulul ee looga wada hadli doono inuu yahay sidii Ciidamo dheeri loogu diri lahaa Soomaaliya  waxaana  horay u badan qaadeen dowladaha  Nigeria, Sinigal, Zambia,Gani iyo Jabuuti iyadoo lagu wado ciidamada  AMISOM ilaa 20 kun oo Askari in la gaarsiin doono dhawaan.
.
Si kasto ay ahaataba waxaan sugaynaa gabagabada shirkaakani oo lagu wado 27 bishan iyo go'aanda madaxda Afrika ay ka gaaraan  xalinta xalada adag oo ay ku sugan yihiin shacabka Soomaaliyeed.

Add New Comment