Dowladaha Guinea iyo Jabuuti oo kumanaan askari u soo diraya dalka Soomaaliya


Gudoomiyaha Midowga Afrika Jean Ping oo ka hadlayay shirka Midowga Afrika ee magaalada Kampala  waxaa uu sheegay in Labo batalyan oo ciidamo ah oo ka imaanaya dowladaha Guinea iyo Jabuutiay si degdeg ah loo geyn doono dalka Soomaaliya si ay  kagaa qeyb qaataan ciidamada AMISOM ee  howlaha nabad ilaalinta ka wada magaalada Moqdishu.

Mr.Ping waxa kale uu sheegay in dowladda Jabuuti muddo diyaarinaysay 450 askari oo ku biiri doono  Ciidamada AMISOM kuwaasoo dhawaan soo gaari doono dalka  Soomaaliya.

Shir madaxeedka Midowga Afrika ee dhawaan lagu qaban doono dalka Ugaandha ayaa la filayaa in lagu yabooho ciidamo lagu xoojiyo ciidamada jooga dalka Soomaaliya oo ilaa  hadda awoodoodu ay aad u xadidan tahay  tiradooda yar awgeed Waxaana la filayaa in madaxda Midowga Afrika ay ka wada hadli doonaan  ciidamo AMISOM  sidii loo xoojin lahaa  loona gaarsiin lahaa ilaa 10 ilaa 20-kun askari.

Dowladaha Senegal, Nigeria iyo Zambia ayaa balan qaaday in Ciidamo ay u soo dirayaan Soomaaliya, waxaana shirka Midowga Afrika lagu wadaa in wax looga badalo qorshaha Nabad ilaalineed ee AMISOM.

Wax kasta oo ay ahaataba waxaan sugaynaa waxa ay soo kordhin doonaan ciidamadaasi la sheegay inay soo gaari doonaan magaalada Moqdishu iyo sida ay ugu suutagakli doonto inay nabad kusoo dabaalaan dalka Soomaaliya.

Add New Comment