Ciyaarihii Kubadda Koleyga ee ka socday magaalada Stockholm dalka Sweden oo la soo gabagabeeyey


Tartamadii ciyaaraha Kubadda koleyga ee ka socday dalka Sweden ee magaalada Stckholm ayaa si aad u qurux badan habeenimadii xalayto loo soo gunaanaday.Guddoomiyaha Ururka Dhaqanka iyo Ciyaaraha Soomaaliyeed ee marka magaciisa la soo gaabiyo loogu yeero SKIF Mr. Abuukar Aadan Deeqow (Boss Caato)wuxuu u mahadceliyay dadkii sida hagar la’aanta ah ula shaqeeyay, Madaxdii, maamulkii, tababarayaashii, garsoorayaashii, Laacibiintii hore ee isboortiga Soomaaliyeed  ee tartanka ka soo qeybgalay iyo weliba dadweynaha reer Sweden gaar ahaan kuwa ku nool Magaalada Stockholm.

Ciyaartii  kama dambaysta ahayd oo aad u xaraarad badnayd ayaa waxaa isku haleelay kooxaha kala ah West London iyo Stockholm,  Ciyartaasi oo aad u adkeyd  waxay ku so gabagabowday kooxda west London oo 71 dhibcood  guushu ku raacday , halka kooxda Stockholm ay 68 dhibcood dhaafinweyday.

Daawashada ciyaarahaasi waxaa ka soo qaybgalay Guddoomiye ku xigeenka olymbikada Soomaaliyeed ,Xoghayaha Olymbikada Soomaaliyeed, guddoomiye ku xigeenka XSKK, Kaaliyaha xoghayaha XSKK,Tababaraha xulka qaranka Soomaaliyeed ee wiilasha Kubadda koleyga, ciyaaryahannadii (Legends) xulka qaranka  Soomaaliyeed oo isugu jiray gabdho iyo wiilal iyo macallimiin heer  qaran, tababarayaal,Garsoorayaashii Caalamiga ahaa ee Soomaaliyeed,Universal TV,Hiiraan Online.Warya TV iyo qaar faraban oo kale.

Ugu dambayntii Boss Caato waxa uu ka dhawaajiyay in cayaaraha la ballaarin doono, isla mar ahaantaana sanadaha so socda ay ku talo jiraan ururkooda  inay casuumaan kooxo kale oo faro badan oo ka kala yimaadaa North Ameerika iyo Europe.

 shiis_JPG.jpg

 DSC03281_JPG.jpg

 DSC03380_JPG.jpg

DSC03371_JPG.jpg

Add New Comment