Ciidamada AMISOM ee Ugaandha ka jooga magaalada Muqdisho oo laba askari looga dilay dagaaladii ugu danbeeyey



Filz Kulayigye oo ah Afhayeenka Guud ee Ciidamada ugandha ayaa caddeeyay in ciidamada Ugaandha ee magaalada Muqdisho ku jooga magaca AMISOM inay kaga dhinteen laba Askari dagaaladii ugu danbeeyey oo ay la galeen Ciidamada Xarakada Alshabaab Al Mujaahiddin ,

Filz Kulayigye ayaa waxa uu sheegay maalintii Arbacada ee la soo dhaafay. markii Ciidamada Al Shabaab ay kusoo dhawaadeen aqalka madaxtooyada ee Villa Somalia iskacaabin ay sameeyeen ciidamada AMISOM ayaa waxaa kaga geeriyootay dagaalka ay la galeen Al Shabaab laba askari oo dhalashadooda aheyd dalka Ugaandha qaar kalana way kaga dhaawacmeen.

Afhayeenku waxa uu hadalkiisii kusoo gunanaday in himashadaasi ku timid ciidamada AMISOM inaanu noqon doonto mid wax u dhimaysa howlgalada ay ka wadaan ciidamadaasi AMISOM nabad kusoo celinta dalka soomaaliya.



Add New Comment