Qoysas danyar ah oo dowlad goboleedka Puntland ay soo barakicisay ayaa maamulka Galmudug ugu deeqay dib u dajin iyo daryeel bani'aadannimo
Boqolaal qoys oo ka soo jeeda gobolada Koonfureed ee Soomaaliya kuwaasoo u badan maati iyo muruqmaal ayaa waxa laga soo barakiciyay degmooyinka Dowlad goboleedka Puntland , qoysaskaasi waxay intooda badani ay kasoo carareen dagaalada ka socda magaalada Muqdisho iyo harreeraheeda waxayna kusoo qaxeen Puntland si ay ugu nabad galaan .
Wasiir ku xigeenka wasaaradda warfaafinta Axmed Maxamuud Xasan oo ka hadlay arrinta dib-u-dejinta qaysaska u badan dad aan waxba haysanin oo sabool ah iyo kuwa xoogsato ah oo ku nool muruqooda , wuxuuna ku tilmaamay maamulka Puntland sida soomaalidaasi kusoo qaxday ay ula dhaqmeen in ay tahay mid aan si fiican looga fiirsa.
dadka sida ya la damacsan yihiin inay u dajiyaan qoysasaka ay soo barakisay maamulka Puntland waxuuna ad uga xummaaday sida arxan darada ah ee loola soo dhaqmay dadkaasi Soomaalida ah ayaa ka hadlay dadaalka ay ku doonayaan inay dib u dejin ugu sameeyaan qoysaskaasi, oo uu sheegay inay u badan yihiin dad sabool ah oo isugu jira xoogsato iyo kuwo muruqooda maala, isagoona tilmaamay in tallaabada uu kula kacay qoysaskaasi maamulka Puntland ay tahay mid aanu ka fiirsan.
wasiir ku xigeenka asagoo sii wata hadalkiisa waxa uu carrabka ku dhuftay Qoysaska laga soo barakiciyay degaanada Puntland ma ahayn dadka ka shaqeeya dembiyada iyo amni darrida, waana dad ay ka muuqato diif iyo darxumo oo u baahan in gurmad degdeg ah ay lasoo gaaraan u dhashay Galmudug iyo cid kasta oo leh damiir bani'aadaminimo iyo mid wadaniyadeed waana in ay ku tabarucdaan wixii kaalmo ah oo ay awoodi karaan.
ugu dambaystii waxa ugu baaqay Wasiir K/Xigeenka Warfaafinta Galmudug maamulka Puntland inay joojiyaan soo eryidda iyo tacadiyada ay u geysanayaan dadka dhibaateysan ee deegaankaasi kusoo barakacay kuwaasoo naf ahaa la il darnaa saameynta ay ku yeesheen xaaladda adag ee wadanka ka taagan , wuxuuna wku baaqay inay joojiyaan barakicinta danyartaasi Soomaaliyeed, sidoo kale waxa uu caddeeyay wasiirku in dowladiisu ay u qorsheysay qoysaskaasi inay u sameyso meelihii ay degi lahaayeen, isagoo sheegay inay ka kaalmeyn doonaan qoysasakaasi xaaladda adag ee ka heysata dhinaca nolosha iyo inay siin doonaan hoy iyo meel ay ka galaan dhaxanta,roobabka iyo qabowga daran ee habeenkii dhaca.
Add New Comment
|
|
|