Madaxweynaha Soomaaliya oo kulamo la qaatay Madaxweyanha Talyaaniga iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Roma

 



Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa shalay gallinkii dambe iyo xalay kulammo la kala qaaday Madaxweynaha dalka Talyaaniga Giorgio Napolitano iyo Jaaliyadda Soomaaliyeed ee dalkaas ku nool.

Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa kulanka uu la qaatay Giorgio Napolitano kaga hadlay Xaaladda dalka Soomaaliya gaar ahaan arrimaha Ammaanka, Siyaasadda iyo Bani'aadamnimada, isagoo ka dalbaday Talyaaniga iyo beesha calaamka inay gacan ka geysatana sidii Soomaaliya loo dajin lahaa.

"Caalamka waxaan ka dalbanaynaa inay gacan ka geystaan sidii Soomaaliya loogu soo celin lahaa Nabad iyo kala-dambeyn, gacanna nalagu siiyo dagaalka aan kula jirno kooxda Al-shabaab oo gacan ka helaysa Al-Qaacida" ayuu Madaxweynuhu ka sheegay kulanka uu la qaatay dhiggiisa Giorgio Napolitano.

Madaxweyne Sheekh Shariif wuxuu sidoo kale ka hadlay dhibaatada Qoxootiga Soomaaliyeed ku haysata caalamka, gaar ahaan dalalka Kenya, Yemen iyo Itoobiya iyo weliba malaayiinta Soomaalida ah ee ku barakacsan gudaha dalka.



Madaxweynaha dalka Talyaaniga Giorgio Napolitano oo isaguna ka hadlay kulanka ayaa sheegay in dalkiisa uu garab-is-taagayo shacabka Soomaaliyeed iyo dowladda ununa sameyn doono wax walba oo suurogal ah oo ay beesha caalamku gacan uga geysan lahayd dib u soo celinta ammaanka Soomaaliya.

Dhanka kale, Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif ayaa xalay la kulmay Jaaliyadda Soomaalida ee dalka Talyaaniga, gaar ahaan kuwa ku nool Magaalada Rome ee xarunta dalkaas, waxaana kulankaas goobjoog ka ahaa Safiirka Soomaaliya ee dalka Talyaaniga Nuur Xasan Xuseen (Nuur Cadde) iyo xubno kale.



Madaxweyne Shariif ayaa Jaaliyadda Soomaalida uga warramay xaaladda dalka uu ku sugan yahay, isagoo ka codsaday inay gacan ka geystaan sidii dalka loogu soo celin lahaa ammaan iyo kala dambeyn.

Sheekh Shariif iyo Wafdigiisa oo booqasho saddex casho ah ku joogay Talyaaniga ayaa kasoo dhoobay saakay Magaaladaas, iyadoo aan la ogeyn halka uu ku wajahan yahay, wuxuuna horay safar kan la mid ah ugu tagay dalka Masar.

Add New Comment