Madaxweyne Sheekh Shariif oo magaalada Roma kula kulmay wasiirka Arrimaha Dibedda Talyaaniga


Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdigii uu hoggaaminayey oo haatan booqasho rasmi ah ku maraya dalka Talyaaniga ayaa xalay waxa ay kulan la qaateen Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalkaas Franco Frattini.

Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa kulanka uu la yeeshay wasiirka arrimaha dibedda ee dalka Talyaaniga waxa ku weheliyey Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Soomaaliya Yuusuf Xasan Ibraahim (Dheeg), Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Abuukar Mardaadi iyo Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Soomaaliya C/risaaq Jurille iyo masuuliin ka socday safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay Talyaaniga.

Kulankan ayaa waxa lagaga wada hadlay xaaladda ammaan ee dalka Soomaaliya, sii xoojinta xiriirka ka dhexeeya labada dal iyo in dowladda Talyaanigu ka taageerto dowladda Soomaaliya dhinacyada siyaasadda, dhaqaalaha iyo tababarka ciidamada dowladda Soomaaliya.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Talyaaniga Mr. Franco Frattini ayaa dhankiisa sheegay in dalkiisu uu gacan ka geysan doono sidii beesha caalamku u taageeri lahayd dowladda Soomaaliya ee dagaalka ba'an kula jirta kooxaha diiddan jiritaankeeda, sidoo kale waxa uu wasiirku ballan qaaday in dalkiisu uu tababar u furi doono 1000 askari oo Soomaali ah.

Madaxweyne Sheekh Shariif ayaa intii uusan soo gaarin magaalada Roma ee dalka Talyaaniga  waxa uu booqasho kusoo maray dalka Masar halkaasoo uu kula soo kulmay mas'uuliyiinta dalkaasi iyo xubno ka tirsan Ururka Jaamacadda Carabta.


Add New Comment