Madaxweyne Sheekh Shariif iyo wafdigii uu hoggaaminayey oo ka degay magaalada Roma


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo wafdigii uu hoggaaminayey ee beryahan booqashada ku joogay dalka Masar ayaa maanta gaaray magaalada Roma ee xarunta waddanka Talyaaniga.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa saaka ka duulay garoonka magaalada Qaahira kaddib markii  halkaasi ay maalmihii lasoo dhaafay wadahadallo kula yeesheen madaxda dalka Masar iyo mas'uuliyiin ka tirsan Jaamacadda Carabta.

Madaxweyne Sheekh Shariif iyo wafdigiisa ayaa waxa garoonka dayaaradaha magaalada Roma ku soo dhoweeyey mas'uuliyiin ka tirsan dowladda Talyaaniga, Safaaradda Soomaaliya ay ku leedahay dalka Talyaaniga iyo xubno ka tirsan Jaaliyadda Soomaaliyeed ee waddankaasi.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa isla markii ay kasoo dageen garoonka dayaaradaha magaalada Roma waxaa loo dhaqaajiyey dhanka aqalka madaxtooyada dalka Talyaaniga, halkaasoo ay wadahadal kula yeelan doonaan mas'uuliyiin ka tirsan dalkaasi.

Madaxweyne Sheekh Shariif iyo wafdigiisa ayaa inta ay joogaan waddanka Talyaaniga lagu wadaa inay la kulmaan madaxweynaha Talyaaniga Giorgio Napolitano, Ra'iisul wasaaraha Silvio Berlusconi iyo wasiirka arrimaha dibedda Franco Fratini.

Qodobbada ugu waaweyn ee ay labada dhinac ka wada hadli doonaan ay u badan sidii dowladda Talyaaniga ay gacan uga geysan lahayd dadaallada lagu doonayo in Soomaaliya nabad lagu soo dabbaalo iyo weliba sidii dowladda Talyaanigu uga qaybqaadan lahayd dib-u-dhiska dalka Soomaaliya.

Add New Comment