Xarakada Al shabaab Al Mujaahidiin oo sheegtay in dagaalkii galabta ay kula wareegeen goobo cusub

Sarakaal u hadlay xarakada Al Shabaab ayaa warbaahinta u sheegay in goobo ay ka mid yihiin Wasaaradii Arrimaha Gudaha iyo xarunta degmada Boondheere ay dagaak kula  la wareegeen.Xarakada Al shabaab ayaa sheegatay in deegaanadaasi ay ku qabsatay dagaaladii galabta ilaa caawa maqribkii ka socday xaafadaha dhanka waqooyi ee magaalada Muqdisho


Saraakiil u hadashay Shabaabka oo la soo xiriiray warbaahinta ayaa sheegay in goobo ay ka mid tahay Wasaaradii Arrimaha Gudaha iyo xarunta degmada Boondheere ay kula wareegeen dagaalkii galabta .
Waxaa la sheegay dagaalka  galabta inuu ahaa mid culus oo la isu adeegsaday hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana wali la maqlayaa rasaas goos goos ah iyo madaafiic lagu garaacayo goobaha ay ku suganyihiin kooxaha mucaaradka ku ah dowladda KMG ah.

Qasaaraha dagaalada ayaa ah kuwo isa soo taraya, waxaana la xaqiijiyay in dad rayid ah ay ku geeriyoodeen, waxaana jira Madfac galabta ku dhacay agagaarka saldhiga Afar Irdood ee degmada Xamar weyne, halkaaso Dugsi quraan uu ku dhacay madfac habow ah.

Ma jirto ilaa iyo hada wax war ah oo ka soo baxay Dowladda KMG oo ku aadan dagaalada, waxaana muuqata in  ciidamada mucaaradka inay  ku soo dhawaanayaan  Qasriga Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya .

Add New Comment