waxaa xalay ka bilowday magaalada Stckholm tartankii kubadda kolayga


 Waxaa xalay ka bilowday Garoonka Kubadda Kolayga Xaafadda Rinkbey ee Magaalada Stockholm tartan Kubadda Kolayga ah, kaasi oo ay ku tartamayaan Shan kooxood oo ka kala socda dalalka Ingiriiska iyo Sweden.

Tartankan ayaa waxaa soo qabanqaabiyay Ururka Dhaqanka iyo Ciyaaraha Soomaaliyeed ee marka magaciisa la soo gaabiyo loogu yeero SKIF, wuxuuna tartankan yahay mid aad u xiiso badan oo ay bahda Isboortiga qeybaheeda kala duwan  ka soo wada qeybgaleen.


Furitaankii Tartankan ayaa waxaa ka hadlay Guddoomiyaha Ururka Dhaqanka iyo Ciyaaraha Mr. Abuukar Aadan Deeqow (Boss Caato), wuxuuna u mahadceliyay kooxaha iyo madaxda Isboorti ee tartanka ka soo qeybgalay iyo weliba dadweynaha reer Sweden, gaar ahaan kuwa ku nool Magaalada Stockholm.
Boss Caato waxaa uu u rajeeyay Kooxaha Tartanka ka qeybgelaya in ay ciyaar-wanaag muujiyaan, isla markaana ay ka fogaadaan wixii sumcad xumo u keeni kara.


Kaddib waxaa munaasabaddii furitaanka ka hadlay Xaawo Shiikh Axmed (Xaawo Taako), Shiine Guhaad, C/qani Jeenyo, Guddoomiyaha SEUKI Xiirey Axmed Rooble, Astur, Isoo Mareey oo ah Rug-caddaa Isboorti, Maxamed Macallin Iimaan oo Somali Week ka socday iyo mas’uuliyiin kale, kuwaasi oo hadalkooda uu isugu jiray mahadcelin iyo in ay ku faraxsan yihiin ka soo qeybgalka ciyaaraha Kubadda Kolayga ee Stockholm ka bilowday.


Kooxda West London ee ka timid Dalka Ingiriiska ayaa waxaa hoggaaminaya Qoys Isboorti oo ah Dr. Cusmaan Hussein Hagi (Shiis) iyo Xaaskiisa Xaawo Shiikh Axmed (Xaawo Taako), iyadoo ay xusid mudan tahay in ay kooxda laf-dhabar u yihiin labo wiil oo ay Cusmaan iyo Xaawo dhaleen. Dr. Cusmaan wuxuu soo ahaa Laacib Qaran, Kooxdii Horseed iyo Macallin, halka Xaawo Taako ay soo ahayd Laacibad Qaran iyo Kooxdii loo yiqiinnay Jeenyo.


waxa uu  sheegay Xoghayaha Ururka SKIF  Mr. Maxamed Axmed Caraay (Xamdi), inay ciyaarahan ka qeybgelayaan ilaa 5 kooxood oo kala ah: South Stockholm, West London, Stockholm, Acton Vale iyo Gavle, inkastoo uu xusay in ay jiri doonaan ciyaaro dhexmari doona Odayaashii cuslaaday ee ciyaaraha Kubadda Kolayga. Tartankan ayaa socon doona haddii Alle idmo 17-ka ilaa 20-ka bishan.

Haddaba Ciyaartii furitaanka ahayd oo dhexmartay Kooxaha West London iyo Stockholm ayaa waxay waqtigii loogu talagalay ku soo dhamaatay oo ay ku adkaatay Kooxda West London.





 

 

 

 

 

 

Add New Comment