Shirka Ururka Midowga Afrika oo maanta ka furtay Magaalada Kampala ee dalka Uganda kaddib qaraxyo waaweyn oo todobadkii hore ka dhacay



Shirweynihii Ururka Midowga Afrika ayaa maanta oo sabti ah ka furmay Magaalada Kampala ee dalka Uganda, halkaasoo ay todobaadkii hore ka dhaceen Qaraxyo geystay dhimashada 74-qof iyo dhaawaca tiro ka badan.

Kulankan ayaa waxaa lagu wadaa inay qaybgalaan Madaxda 53-ka dalka ee ay ka kooban tahay Qaaradda Afirka, iyadoo la sheegay in qodobbada looga hadlayo ay ugu weyn tahay ammaanka qaar ka mid ah dalalka Afrika oo ay Soomaaliya ku jirto.

Wasiirka Arrimaha Dibadda ee dalka Uganda ayaa wariyeyaasha u sheegay in shirka looga hadlayo arrimo ay ka mid yihiin dib-u-dhiska Qaaradda, raashinka iyo ammaanka isagoo xusay in xoogga la saari doono sidii ay dalalku isaga kaashan lahaayeen la dagaalanka argagaxisada.

Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin ayaa sheegtay inay mas'uul ka yihiin qaraxyadii ka dhacay Magaaada Kampala ee xarunta dalka Uganda, kuwaasoo ay ku dhinteen in ka badan 74-qof oo daawanayay Ciyaartii Finalka ee Koobkii Adduunka oo lagu soo gabagabeeyay dalka Koonfur Afrika 11-kii Bishaan.

"Qaraxyadii dhacay waxay u dhaceen iyadoo aan ammaan xoogga la saarin, balse shirka aad ayaa loo ilaalinayaa" ayuu Afhayeenka ciidammada dalka Uganda Lt-Col. Felix Kulayigye ugu sheegay wariyeyaasha.

Saraakiisha ciidamada dalka Uganda ayaa sheegay in baaritaanno ay wadeen tan iyo todobaadkii ay kusoo qabqabteen 20-qof oo isugu jira Soomaali, Ugandese, Pakistan iyo Itoobiyaan kuwaasoo looga shakisan yahay inay xiriir la leeyihiin Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin.

Add New Comment