Madaxweyne Shariif oo sheegay Qaraxyadii Kampala aanay waxba u dhimi doonin Howl galada ciidamada AMISOM ee wadaan dalka Soomaaliya


Madaxwynaha Dowlada KMG ah ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo maanta shir jaraa’id ku qabtay xarunta Madaxtooyada ee Villa Somaaliya ayaa waxa uu ka hadlay xaalada dalka Soomaaliya iyo qaraxyadii ka dhacay magaalada Kambaala ee dalka Ugaandha taasoo ay Xarakada Al Shabaab Al Mujaahidiin ay masuuliydeeda sheegteen .

Madaxweynaha Dowlada KMG ah ee Soomaaliya  waxa uu eedeeyn u jeediyey beesha caalamka isagoo kuku eedeeyey in ay ka gaabisay taageerada Dowlada KMG ah ee uu isaga madaxweynaha ka yahay.

 Madaxweynaha Dowlada KMG ah ee Soomaaliya  Sheekh Sharif ayaa sheegay in xaalada Soomaaliya ay faraha ka baxday,wuxuuna  masuuliyadda amni daro ee Soomaaliya uu ku eedeeyey beesha caalamka markii ay ay iska indho tireen in wax ka qabtaan xaalada ammaandaro ee uu imanka ku sugan yahay dalka .

 Madaxweyne Shariif ayaa sidoo kale sheegay in rag ajaaniib ah ay ku soo duleen dalka Soomaaliya kuwaasoo qatar ku hayo dalka , waxuuna sheegay in aanan loo dul qaadan doonin dhibaatooyinka raggaasi argagixisada  ah ay dalka ku hayaan,Madaxweynuhu  waxa uu ku goodiyay  in ciidamado aad u tiro badan ay Dowlada KMG ah ee Soomaaliya ay usoo xirtay tababaradii kuwaasoo dhowaana ay  dalka ka xureyn doonaan kuwa kusoo duulay.

Ugu danbeeyntii Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif  ayaa ka hadlay qaraxyadii qasaaraha geesytay ee ay Magaalada kambaala ka fuliyeen Xarakada Al Shabaab Al Mujaahidiin  isagoona si kulul u cambaareeyey qaraxyadaasi, wuxuuna sheegay in aanay waxba u dhimi doonin Howl galada ciidamada AMISOM.



Add New Comment