Uganda oo sheegtay inay 2000 askari oo hor leh u soo direyso Soomaaliya


Dowladda Uganda ayaa maanta sheegtay inay dalka Soomaaliya u soo direyso 2000 askari oo dheeraad ah oo ka tirsan ciidamadeeda kuwaasoo loogu tala galay in lagu xoojiyo ciidamada Midowga Afrika ee (AMISOM) ee haatan ku sugan gudaha magaalada Muqdisho.

Afhayeen u hadlay ciidamada Uganda oo lagu magacaabo Col. Felix Kulayigye ayaa asagoo ku sugan magaalada Kampala ee xarunta dalkaasi saxaafadda u sheegay in Uganda ay goosatay inay 2000 oo askari u dirto dalka Soomaaliya si loogu xoojiyo ciidamada haatan kaga sugan gudaha magaalada Muqdisho.

2000 askari ee dheeraadka ah ee ay Uganda u soo direyso Soomaaliya ayaa waxa ay tirada ciidamada Midowga Afrika (AMISOM) ee jooga Soomaaliya ka dhigeysaa 8000 taasoo ah tiradii markii hore loogu talagalay in Soomaaliya la geeyo iyo weliba Uganda oo noqoneysa dalka ay ciidamada ugu tirada badan ka joogaa Soomaaliya.

Ciidamadan ay Uganda sheegtay inay u soo direyso Soomaaliya ayaa waxa ay kusoo beegmayaan xilli uu xalay madaxweynaha Uganda Yuweri Museveni uu shir jaraa'id ku qabtay magaalada Kampala, sheegayna in la xoojin doono ciidamada dalkiisa ka jooga Soomaaliya si ay ula dagaalamaan Xarakatul Shabaab Al Mujaahidiin kadiib markii ay dhowaan sheegteen mas'uuliyadda qaraxyadii ka dhacay magaalad Kampala.

Ciidamada Midowga Afrika ee AMISOM ayaa waxa ay howshoodu tahay inay ilaaliyaan madaxda dowladda Soomaaliya iyo xarumaha muhimka ah ee dowladda sida xarunta Madaxtooyada, garoonka dayaaradaha, dekeedda Muqdisho iyo waddooyinka isku xira xarumahaasi, hase ahaatee waxay bilihii ugu dambeeyey si dadban iyo si toos ahba uga qayb qaadanayeen dagaalladii ka dhacayey magaalada Muqdisho.

Add New Comment