Sh. Cabdulqaadir Cali Cumar oo ku baaqay in lala dagaalamo xoogagga dowladda kasoo horjeeda


Wasiirka Arrimaha Gudaha ee Dowladda KMG Sheekh abdulqaadir Cali Cumar ayaa shacabka Soomaaliyeed ugu baaqay inay iska difaacaan xoogagga sida weyn uga soo horjeeda, dagaalkana kula jira Dowladda KMG ee Xartakatul Shabaab Al Mujaahidiin iyo Xisbul Islaam.

Wasiirka ayaa hadalkan ka jeediyey munaasabad uu xilka kula wareegayey guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir mudane Maxamuud Axmed Nuur (Tarzan), munaasabaddaas oo ka dhacday xarunta Maamulka Gobolka Banaadir.

Sheekh Cabdulqaadir ayaa ku eedeeyey kooxah ka soo horjeeda dowladda in ay gebi ahaanba baabi'yeen goobihii waxbarashada iyo inay dhalinta yar yareed ay qasab uga dhigeen inay dagaalamaan, wuxuuna ugu dambeyntii cambaareeyey qaraxyadii dhowaan ka dhacay magaalada Kampala ee dalka Uganda.

Baaqa wasiirka Arrimaha Gudaha Sheekh Cabdulqaadir Cali Cumar ayaa waxa uu ku soo beegmay xilli xoogagga ku dagaalamaya gacan ku heynta magaalda caasimadda ah ee Muqdisho laga dareemayo diyaargarow dagaal iyo isu hub urursasho.

Add New Comment