Guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir oo maanta xilka la wareegay


Munaasabad ay xilalka kula kala wareegayeen guddoomiyaha cusub ee gobolka Banaadir isla markaana ah Duqa magaalada Muqdisho Mudane Maxamuud Axmed Nuur (Tarzan) iyo gudoomiyihii hore ee gobolka mudane Eng. Cabdirasaaq Nuune ayaa maanta ka dhacday xarunta gobolka Banaadir.

Mudane Tarzan oo munaasabadda hadal ka jeediyey ayaa sheegay in howsha ugu horreysa ee uu wax ka qaban doono ay tahay sugidda ammaanka  iyo nabad ku soo dabaalidda magaalada caasimadda ah ee Muqdisho ee ay dagaalladu ka jiraan.

"Waxaan rabaa inagoo wadajirna inaan kawada shaqeyno soo celinta ammaanka Magaalada Muqdisho, waayo dhul aanay nabadi ka jirin kama suurogalayso nolol" ayuu yiri Guddoomiyaha cusub ee Gobolka Banaadir Tarzan.

Guddoomiyihii hore ee gobolka Eng. Nuune oo asagana markiisa hadal ka jeediyey munaasabadda ayaa sheegay inuu aad ugu qanacsan yahay xilalka uu maanta ku wareejiyey guddoomiyaha cusub, asagoona guddoomiyaha cusub kula dardaarmay inuu ka shaqeeyo nabadda iyo horumarinta gobolka.

Eng. Nuune oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in gobolka Banaadir ay dhowaan soo gaari doonto deeq lacageed oo dhan 15 millioon oo dollar taasoo loogu tala galay in wax lagaga qabto dib u dhiska caasimadda dalka ee Muqdisho iyo nawaaxigeeda, sidoo kalena wuxuu guddoomiyaha cusub ku boorriyey in uu wax la qabsado beesha caalamka.


Add New Comment