Madaxweynaha Soomaaliya oo cambaareeyey qaraxyadii xalay ka dhacay magaalada Kampala


Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa cambaareeyay qaraxyadii waaweynaa ee xalay ka dhacay magaalo-madaxda dalka Uganda ee Kampala, kuwaasoo dhaliyey qasaare isugu jira dhimasho dad ka badan 60 iyo dhaawac.

Madaxweyne Sheekh Shariif oo warsaxaafadeed kasoo saaray xafiiskiisa Muqdisho ayaa ku sheegay in qaraxyadaas ay ahaayeen kuwo argagxiso ayna ka dambeyeen Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin iyo Ururweynaha Al-Qaacida.

Sidoo kale waxa dhacdadaasi si kulul u cambaareeyey Ururka Midowga Afrika iyo dalal kale oo fara badan.

Sheekh Shariif eheladii dadkii ku geeriyooday qaraxyadaasi iyo dowladda Uganda, wuxuuna sheegay in dowladda Soomaaliya ay shacabka iyo dowladda reer Uganda la qaybsanayaan murugadii ka dhalatay qaraxyadaasi.

Inkasta oo aysan cidina sheegan inay qaraxyadaasi ka dambeeyeen ayaa haddana war kasoo baxay taliska ciidamada boliiska Uganda lagu sheegay in qaraxyadaasi ay ka dambeeyaan Xarakatul Shabaab Al Mujaahidiin, ayadoo mas'uul u hadlay Al Shabaabna uu ka gaabsaday sheegashada qaraxyadaasi, hase ahaatee uu sheegay in dhankooda ay aad uugu faraxsan yihiin waxa ka dhacay Kampala.

aysan weli jirin kooxo sheegtay inay qaraxyadaas ka dambeeyeen ayaa Taliyeyaasha Ciidanka Booliiska waxay ku eedeeyeen inay ka dambeyso Xarrakatul Shabaabul Mujaahidiin oo sarkaal ka tisran uu sheegay inay ku farxeen qaraxyadaas.


Add New Comment