Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif oo ka hadlay ciidamada ay dalalka IGAD u soo dirayaan Soomaaliya



 Madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed oo qaar ka mid ah warbaahinta ugu warramay Madaxtooyada shalay oo Jimco ahayd ayaa sheegay in ciidamada loosoo dirayo dalka Soomaaliya aysan ku jirin kuwo Itoobiyaan ah.

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in IGAD ay ku baaqday in loo diro Soomaaliya 20,000-askari oo ka socda dalalka Afrika, balse la hormariyo 2,000-askari, kuwaasoo uu xusay inay ka imaanayaan dalalka ay horay uga joojiyeen ciidamada ee Uganda iyo Burundi.

"Xaaladda Soomaaliya oo aan wanaagsanayn darteed ayay Madaxdii IGAD gaareen go'aankan, waxaana ciidamada sida dhaqsaha loo keenayo ay tirada AMISOM ka dhigi doonaan 8,100-askari" ayuu yiri Madaxweyne Sheekh Shariif.

Wuxuu gaashaanka ku dhuftay in ciidamadan hordhaca ah ee dalka la geynayo ay ku jiraan kuwo Itoobiyaan ah, isagoo sheegay inaysan ku jirin, balse laga yaabo inay ku jiraan ciidamada kale ee Afrika ka imaanaya.

Mar uu ka jawaabayay su'aal ahayd xiriirka u dhexeeya Itoobiya iyo isaga oo horay uu dagaal u dhexmaray xiligii uu ah hoggaamiyihii Maxakamadaha Midoobay iyo inuu ciidamo ka dalbaday ayaa wuxuu kaga jawaabay:

"Waa sax Itoobiya waan kula dagalaannay gudaha dalka, waana heshiinnay waayo waa dal aanu daris nahay, balse ma jirto ciidamo aan ka codsanay, waxaan ciidanka ka dalbanay IGAD, sidaas in loo ogaado ayaa wanaagsan".

Madaxweynuhu wuxuu sheegay in sababta keentay in ciidamo ay xilligan codsadaan ay tahay xaaladda dalka oo sii xumaanaysa iyo kooxaha kasoo horjeeda oo diiday wadahadal, kaddib markii ay u bandhigeen sida uu sheegay wax walba oo sahli kara in laga wadahadlo dhibaatada dalka ka jirta.

Sheekh Shariif ayaa daboolka ka qaaday in dalka uu khatar ugu jirto argagaxisada caalamka inay la wareegto, ayna dowladdiisu dagaal la galayso si ay uga saarto dalka oo dhan, isagoo xusay inuusan dagaalkaas joogsanayn inta laga gaarayo hadafka loo bilaabay.

Mar la weydiiyay in muran uu ka jiro heshiiskii ay la galeen Ahlusunna iyo qaabka loo fuliyay ayaa wuxuu sheegay in heshiiskaas ay dhankooda u fuliyeen sidii uu ahaa, balse haddii ay jirto wax la tabanayo ay ka sugayaan Ahlusunna.

Gabagabadii hadalkiisa ayuu ku sheegay Madaxweyne Sheekh Shariif inay dowladda uu hoggaaminayo ay diyaar u tahay inay wax ka qabato xaaladda uu dalka ku sugan yahay, wuxuuna xusay in wixii ay soo mareen ay tusaale ugu filan tahay.

Add New Comment