Madaxweyne Shariif oo hambalyo u diray Shacabka Soomaaliyeed




Madaxweyne1.jpg

Madaxweyne Sh. Shariif oo maanta dalka dub ugu soo laabtay isla markaana shir Jaraa’id ku qabtay xarunta Madaxtooyada ee Villa Soomaaliya, ayaa shacabka ugu hambalyeeyay munaasabadda 51 guuradda ka soo wareegtay markii ay xoroobeen gobollada koonfureed iyo israacii Labada gobol, wuxuuna Madaxweynuhu u rajeeyay shacabka Soomaaliyeed in sanadkan sanadkiisa ay ku gaaraan nabadgelyo iyo midnimo.

Madaxweyne Shariif ayaa sheegay in dhaawac xooggan uu ku yimid xornimadii la qaatay Lixdankii, isagoo ku booriyay shacabka Soomaliyeed ee ku sugan gudaha dalka iyo dibadiisaba in ay si wadajir ah ugu istaagaan badbaadinta xoriyadda.

Sodoo kale Madaxweynaha ayaa hoosta ka xariiqay in Dowladda Soomaaliya ay labalaabeeyso howlgallada ay dalka kaga xoreeyneeyso howlgallada ay ka waday dalka si loo soo celiyo sharafta iyo karaamadii shacabka Soomaaliyeed.

Ugu danbeyntii Madaxweynaha ayaa qeylo dhaan xoog leh ka muujiyay xaaladda Bani’aadanimo ee ka taagan dalka, isagoo tilmaamay in ay la mid tahay tii dalka ka dhacday sanadkii 1992 dii, wuxuuna ugu baaqay Shacabka Soomaaliyeed ee ku nool gudaha iyo dibada, wadamada Caalamka, in ay gurmad xoog leh la soo gaaraan dadka Soomaaliyeed ee ku dhibaateeysan gudaha dalka.

Hadalka Madaxweynaha ayaa imaanaya xilli uu maanta dib ugu soo laabtay dalka kadib markii uu ka soo qeybgalay shir madaxeedkii wadamada Midowga Afrika ay ku lahaayeen magaalada Malabu ee wadanka Exwatooriy al Geni.


Add New Comment