Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ku guuleystay doorashadii madaxtinimada Somaliland


Mudane Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo oo ahaa murashixii Xisbiga mucaaradka ah ee Kulmiye ee Somaliland ayaa ku guuleystay doorashadii nadaxtinimada ee ka dhacday gobollada Jamhuuriyadda Somaliland 26-kii bishii tagtay ee Juun.

Doorashadaas oo ay ka qayb galeen dhammaanba 3-da xisbi ee ka jirta Somaliland UDUB, KULMIYE iyo UCID ayaa waxaa intii aysan billaaban qaadista cododka la sii saadaalinayey inuu markan ku guuleysan doono hoggaamiyaha Xisbiga Kulmiye ee uu hoggaaminayey Silaanyo.

Xisbiga KULMIYE ayaa markii lagu dhawaaqay natiijada doorashada helay 49% codadkii la tiriyey, halka xisbigii UDUB ee talada hayeyna uu helay 33%,  iyo Xisbiga kale ee UCID oo asagana helay 17% codadkii doorashada Somaliland.

100 qof oo dhammaantood kasoo wada jeeda gobollada koonfureed ee Soomaaliya oo aan wax ka weydiinay sida ay u arkaan doorashada Somaliland iyo qaabka xisbiyada badan ee ay qaateen ayey 95% waxa ay ku tilmaameen in tallaabada reer Somaliland ay tahay mid ku dayasho mudan, ayna u hambalyeeyeen madaxweynaha cusub ee dadka walaalahood ah ee Somaliland.

Add New Comment