Agaasimaha Shabelle “Go’aanada Macalin Xaashi way ka gudbeen xad la fuli karo”


 Agaasimaha Shabakadda Warbaahinta Shabelle Abwaan Cusmaan C/laahi Guure ayaa waxaa uu sheegay in wax aan la qaadan Karin ay tahay go’aankii shalay ka soo baxay Macalin Xaashi oo ah gudoomiyaha Xisbul Islaam ee gobolka Banaadir Shabakadda Warbaahinta Shabelle kaasi oo amray in aan la xusin 1-da Luuliyo.

Kadib markii Shalay uu amar layaab ku noqday bulshada Soomaaliyeed uu ka soo baxay Gudoomiyaha Ururka Xisbul Islaam ee gobolka Banaadir Macalin Xaashi Max’ed Faarax islamarkaana uu bulshada Soomaalida iyo warbaahinta reer Muqdisho uu uga digay inay xusaan munaasabada 1-da luuliyo ayaa go’aan kaasi ka badalan waxaa qaatay Maamulk Shabakadda Warbaahinta Shabelle.

Agaasimaha Shabakadda Warbaahinta Shabelle Abwaan Cusmaan C/laahi Guure ayaa sheegay in amarkii uu shalay soo saaray Macalin Xaashi uu yahay mid aan la qaadan Karin maadaama maalinta 1-da luuliyo ay tahay maalin xuskeeda aan laga tagi Karin.

“Go’aanada Macalin Xaashi way ka gudbeen xad la fuli karo, kadib markii uu ku dhawaaqay 1-da luuliyo lama sheegi karo, go’aanka ah koowda luuliyo lama sheegi karo waxaan u aragnay mid lagu inkirayo jiritaanka Soomaaliya sidaasi darteedna ma fulin karno, maadaana go’aankii dambe aan fulin weynana kiisii hore mafulin karno, sidaasi darteed Shabelle waxey u shaqeyn doontaa sidii ay u shaqeyn jirtay”

Saakay ayaa Shabakadda Warbaahinta Shabelle iyadoo la duuleysa in la qariyo ama la duugo maalmaha taariqda u ah shacabka Soomaaliyeed waxaa ay si weyn uga qeyb qaadatay sii deynta Barnaamijyo looga hadlayo 1-da luuliyo iyo marxaladihii ugu dambeeyay ee uu dalku soo maro.

Add New Comment