Maamulka Xisbul Islaam ee Gobolka Banaadir oo warbaahinta maxaliga ah uga digay inay weyneeyaan xuska Maalinta Gobonimada Soomaaliya ee 1da Luuliyo




 Guddoomiyaha Maamulka Ururka Xisbul Islaam ee Gobolka Banaadir Macallim Xaashi Maxamed Faarax  ayaa ku amray Idaacadaha maxaliga ah inaysan sii dayn karin warar ku saabsan xussaska iyo dabaaldegyada sannadguuradii 50aad  malintii gobonamida ummadda Soomaaliyeed oo ku aadan 1da Luuliyo .

 
Macallin Xaashi Maxamed Faarax oo sheegay inay ciqaabi doonaan ciddii jabisa amarka oo sii deysa warar ku saabsan  maalinta 1da Luulyo ama khudbooyin laga jeediyey xuskaasi .

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ee Ururka Xisbul Islaam Macallin Xaashi ayaa xusay inaysan diidanayn maalinta ay Xorowday Soomaaliya, balse ay diidan yihiin in maalmaha loo sameeyo magacyo, lagana dhigto maalmaha qaar kuwo la weyneeyo oo loo dabaaldego.
waxa kale uu sheegay in aysan ogolaan doonin xusaska  maalmaha sida gaarka loo sameystay sida: Maalinta ADIS-ka, Maalinta Haweenka, Maalinta shaqaalaha adduunka ,maalinta xurnimada iyo maalmo kale oo fara badan.

Amarkan ayaa noqonaya mid ka mid ah amarrada uu Ururka Xisbul Islaam kusoo rogay warbaahinta ka howlgasha Magaalada Muqdisho iyadoo horay looga digay inay sii daayaan heesho iyo muusig, taasoo ay warbaahinta oo dhan meel mariyeen.

Add New Comment