Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya oo soo dhaweeyay guddi ay dowladdu u magacowday abaaraha


Guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan, oo dib ugu laabtay Muqdisho maanta oo Jimco ah, ayaa shir jaraa’id oo uu qabtay inuu soo dhaweynayo guddiga taakuleynta abaaraha ee dowladda KMG ah magacowday.

“Waxaan, guddigan ka codsanayaa, inay caalamka u diraan qaylo-dhaan ay kaga codsanayaan in la kaaleemyo shacabka Soomaaliyeed,  sidoo kale, waxaan shacabka laftooda ugu baaqayaa inay is-kaalmeeyaan marka hore, Allena ay ka baryaan inuu caawiyo,” ayuu yiri Shariif Xasan.

Dalka Soomaaliya, ayaa waxaa gabi ahaan ka jira abaaro dilay dad iyo duunyo, iyadoo mas’uul u hadlay dowladda KMG ah uu sheegay Khamiistii shalay inay soo gaartay gargaar aan ku filnayn shacabka Soomaaliyeed, kuna eedeeyay Xarrakatul Shabaab inay hortaagan tahay in hay’adaha gargaarku ay caawiyaan shacabka dhibaateysan.

Shariif Xasan, ayaa sidoo kale ka warbixiyay safar uu ku tagay dalka Iiraan, isagoo sheegay inuu kala hadlay madaxda xaaladda dalka Soomaaliya, gaar ahaan dagaallada u dhexeeya dowladda iyo xoogagga hubeysan ee kasoo horjeeda.

“Madaxda dalka Iiraan, waxaan u sharraxnay xaaladda Soomaaliya, iyaguna waxay noo ballan-qaadeen inay intii awoodooda ah gacan nagu siin doonaan sidii nabadda lagu soo celin lahaa,” ayuu yiri Shariif Xasan Sheehk Aadan.

Guddoomiyaha Baarlamaanka, wuxuu sheegay inay si wanaagan ula shaqeyn doonaan guddiga ay dowladdu u magcowday taakuleynta dadka ay abbaaruhu waxyeellada u geysteen, isagoo xusay in xubnaha  baarlamaanka ay howsha guddigan qayb ka qaadan doonaan.

Xukuumadda Soomaaliya, ayaa dhawaan u magacowday guddi wasiirro ah caawinta dadka ku nool deegaannada ay ku dhufteen abaaraha ee Soomaaliya, inkastoo dowladdu ay ka taliso goobo yar oo ku yaalla Muqdisho, halka gobollada dlka ay gacanta ku hayso Xarrakatul Shabaab.

Add New Comment