TACSI - geerida naxdinta leh ee Marxuumadda Maryan Sheekha Yare ( Maryan Brescia)


       inaalilaahi[1].jpg

                                 

Waxaa maanta magaalada Brescia ee dalka Talyaaniga ku geeriyootay  Allaah ha u naxariistii marxuumadda  Maryan Sheekha Yare ( Maryan Brescia) oo 40 sano jir aheyd, waxaana geerideeda la ogeysiinayaa dhammaan eheladeeda oo kala jooga dalka iyo dibadiisa

Marxuumadda Maryan Sheekha Yare ( Maryan Brescia) waxay ifka kaga tagtay 3 caruur ah .

Dhammaan xubnaha Ururka Israaca SilGor ayagoo ka murugeysan geerada ku timid walaashood, waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan carruurtii ay ka tagtay Marxuumadda, Hooyadeed Shuqaay Cumar, Adeerkeed Xasan Brescia, iyo dhammaan walaalaheed reer Sheekha Yare;sidoo kale waxay tacsi taasi la mid ah u dirayaan  dhammaan reer Xasan aw Maxaad Xaayow meel kasta oo ay dunida ka joogaan.

Marxuumadda Maryan Sheekha Yare ( Maryan Brescia) Allaah haka waraabiyo Jannadii Fardowsa, dhammaan intii ay ka tagtayna sabar iyo iimaan haka siiyo - AAMIIN - AAMIIN - AAMIIN - AAMIIN -

Add New Comment