Ra’iisal Wasaaraha Soomaaliya oo Guddoomiyay shir looga hadlay dib u habeyn lagu sameeyo Agaasimayaasha Xukuumadda



Maanta waxaa shir isugu yimid Golaha Wasiirada Xukuumada Federaalka KMG ah ee Soomaaliyeed shirkaasoo uu guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Federaalka KMG ah Mudane Maxamed  Cabdullaahi Maxamed (Farmaajo).
 
Shirka waxaa la soo hor dhigay dhowr qodob waxaana ka mid ahaa Dib u habeynta Agaasiyaasha Guud ee Wasaaraddaha Xukuumada arrintaas oo Ra’iisal Wasaaruhu uu ka hadlay isagoo sheegay muhiimada ay u leedahay horumarinta maamulka dowladda.
 
Kolkaa kadib golaha Wasiirada oo ka dooday arrintaas waxay isku raaceen in Agaasimeyaashii hore ee Wasaaraddaha ee Dikreetada ku joogay in dib u habeyn lagu sameeyo, muddo todobaad gudihiis ahna Wasiir waliba uu soo gudbiyo 3 musharax Agaasime Guud, si looga xusho Agaasimaha Guud ee Wasaaradaasi, iyadoo lagu xuli doono, heerka Waxbarashadiisa, Khibradiisa, Kartidiisa, Daacadnimadiisa iyo waaya aragnimadiisa Wasaaradaas uu agaasimaha Guud ka noqon doono.



Waxaa kale oo uu goluhu ka dooday, hubka sida sharci daradda ah magaalada dhexdeeda loogu sito, dood dheer iyo falanqeyn kadib waxay isku raaceen in go’aan deg deg ah ay ka soo saari doonaan arrintaasi.
 
Shirkii maanta ee golaha Wasiirada wuxuu kaloo cambaareeyey sida ay u cunaqabateynayaan shacabka ay abaarta daran heysato kooxda Nabadiidka ah ee Al shabaab oo iyagu ka hor istaagay hay’addaha gargaarka sidii ay dadkaasi gurmad ugu sameyn lahaayeen una gaarsiin lahaayeen gargaar Bani’aadaminimo.
 

Add New Comment