Xildhibaan Cumar Islow iyo xildhibaano la socday ayaa ku baaqay maanta in la doorto Guddoomiye cusub

 Xildhibaano kor u dhaafay 50 ayaa maanta Muqdisho kulan ku yeesheen waxayna ku baaqeen in la doorto guddoomiye cusub oo beddela guddoomiyaha waqtigiisa dhammaday ee Sh.Aadan Madoobe.


Xildhibaan Cumar Islow ayaa sheegay maanta inuu ku eg yahay waqtigii xilka Guddoominimada ugu ekaa Sheekh Aadan madoobe, lana gaaray xiligii ay dooran lahaayeen Guddoon Cusub Maadaama uu idlaaday Xilkii uu hayay guddoonkii hore Baarlamanka.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale ugu baaqay Xildhibaanada dibada ku maqan inay soo galaan Caasimada Magaalada Muqdisho si loo sameeyo doorasho guddoonka Cusub ee Baarlamanka.

Ugu danbayn Guddoonka baarlamanka xilkiisa maanta ku eg yahay Sheekh Aadan Madoobe ayaa horay u sheegay kalfadhiyada Baarlamanka waxay la qabsoomi la’yihiin inay tahay mushaahar la’aan iyo Amaan xumo.

 

Add New Comment