Hay'adda ICRC oo sheegtay inay kordheen dadka Soomaaliyeed ee u baahan gargaarka bani'aadamnimo


Hay'adda ICRC, ayaa warbixin ay maanta oo Arbaco ah soo saartay ku sheegtay, in dagaallada ka sii socda Soomaaliya ay xaaladda kasii dareen, ayna ku qasbeen in ka badan hal milyan oo qof inay u baahdaan gargaar bani'aadamnimo oo caalami ah.

Warbixinta, ayaa lagu sheegay in hay'adda ICRC oo kaashanaysa hay'adda bisha cas ee Soomaaliyeed, ay soo gabgabeeyeen gargaar ay u qaybiyeen 540,000-qof oo ka mid ah barakcayaasha ku nool jidka isku xira Muqdisho iyo Afgooye, kuwaas oo la siiyay raashin iyo maacuunta guryaha.

"Dagaallada ka socda Soomaaliya, muddada labaatanka sano ah, xaaladda ayay ka dareen, waxayna sii adkeeyeen nolosha dadka," ayuu yiri madaxa guddiga ICRC ee Soomaaliya Pascal Mauchle.

"Tobanaan kun oo shacab ah, ayaa dagaallada awgood uga barkacay Muqdisho bilihii ugu dambeeyay. Wax-soo-saarkii beeraha hoos ayay u dhaceen, qiimaha lagu iibsado raashinka sare ayuu u kacay, dadkuna ma heli karaan lacago ay ku gataan waxay u baahan yihiin, xitaa haddii ay suuqyada ku arkaan. Sidoo kale xaaladda dhaqaalaha waa mid liitada, dadkuna waxay la tacaalayaan sidii quutul-yoonkooda ku heli lahaayeen, tanina ma ahan mid ku eg deegaannada ay dagaalladu ka jiraan, ee waa dalka oo dhan, oo ay ku jiraan qaybaha waqooyi," ayuu Mauchle hadalkiisa ku daray.

ICRC, ayaa warbixinteeda ku sheegtay in todobaadyadii lasoo dhaafay, in iyadoo kaashanaysa bisha cas ee Soomaaliyeed ay siiyeen barakacayaasha tiradoodu gaarayso 240,000 oo qof raashin isugu bariis, saliid iyo digir ay isticmaali karaan laba bilood, baco ay ku dataan guryaha macmalka ah ee ay daggan yihiin, sanaadiiq ay digaagado ku jiraan.

Sidoo kale, hay'addu waxay sheegtay in 300,000-qof, oo isugu jira barakacayaal, agoon iyo haween guri-joogto ah, ay siiyeen gargaar kala duwan, kuwaasoo ku kala nool: gobollada Shabeellada hoose, Gedo, Bakool iyo Bay oo ku yaalla koonfurta Soomaaliya, Hiiraan iyo Mudug oo bartamaha ku yaalla iyo Puntland.

Add New Comment