Jawi colaadeed oo laga dareemayo magaalad Muqdisho


Guud ahaan magaalada Muqdisho iyo degaannada ku xeeran ayaa maanta laga dareemayaa dhiilo colaadeed, kaddib markii ay Ciidamada Dowladda KMG oo kaashanaya kuwa Midowga Afrika ee AMISOM oo dhinac ah iyo xoogagga kasoo horjeeda oo dhinaca kale ah billaabeen dhaq-dhaqaaq ciidan oo cabsi weyn geliyey dadweynaha ku dhaqan magaalada.

Ciidamada Dowladda KMG iyo kuwa AMISOM ayaa sida lagu soo warramayo ku wajahan goobaha ay magaalada ka joogaan xoogagga Al-Shabaab iyo Xisbul Islaam, ayadoo si gaar ahna loo hadal hayo degmooyinka ku yaalla waqooyiga magaalada iyo degmada Dayniile.

Cabsida soo korortay awgeed ayaa waxaa maanta magaalada Muqdisho lagu arkayaa dadweyne fara badan oo isaga cararaya guryahooda, kuwaasoo aanan garaneyn meesha ay tegi doonaan iyo waxa uu mustaqbalkoodu noqon doono.

Waxa beryihii u dambeeyey soo baxayey hadallo kul-kulul oo ka soo yeerayey madaxda ugu sarreysa Dowladda KMG, kuwaasoo dhammaantood ku aaddanaa in ciidamada dowladdu ay weerar ku qaadi doonaan fariisimada ay magaalada ka joogaan xoogagga kasoo horjeeda.

Xarakatul Shabaab iyo Xisbul Islaam ayaa ayagana dhinacooda ku jira diyaargarow aad u weyn, kaasoo ay doonayaan inay ku xajistaan aagagga ay magaalada kaga sugan yihiin, welibana ku fekeraya inay magaaladaba wada qabsadaan oo ay la wareegaan gacan ku heynteeda.



Add New Comment