Xoghayaha Guud ee Qaramad Midoobay oo ku baaqay in la kordhiyo ciidamada AMISOM


Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Ban Ki-Moon oo ka qaybgalaya shirmadaxeedka waddamada Afrika ee ka socda magaalada Addis Ababa ee dalka Ethiopia ayaa waxa uu ku baaqay in la kordhiyo tirada ciidamada Midowga Afrika ee ku sugan gudaha magaalad Muqdisho.

Mr. Ban Ki-Moon ayaa waddamada Afrika ku boorriyey inay xoojiyaan dadaalka loogu jiro sidii Dowladda  KMG ee Soomaaliya ay si buuxda ula wareegi lahayd gacan ku-heynta magaalada Muqdisho iyo gobollada dalka oo ay hadda inteeda badan gacanta ku hayaan xoogagga dowladda ka soo horjeeda.

Ciidamada AMISOM ee haatan ku sugan magaalada Muqdisho ayaa waxa tiradoodalagu sheegay inay tahay 8 kun oo askari kuwaasoo howlaha ay qabtaanna ay u weyn yihiin ilaalinta madaxda dowladda iyo goobaha muhiimka ah sida dekedda weyn iyo garoonka dayaaradaha ee magaalada Muqdisho.




Add New Comment