Madaxweynaha Kenya oo sheegay in dagaalada Soomaaliya ay qatar ku yihiin ammaanka dalkiisa


Madaxweynaha waddanka Kenya Mwai Kibaki ayaa asagoo ku sugan xarunta Midowga Afrika ee Addis Ababa oo uu uga qaybgalayo shirmadaxeedka waddamada Afrika sheegay in dhibaatada ka taagan waddanka Soomaaliya ee ay dalkiisu jaarka yihiin ay qatar ku haayaan dalka Kenya.

Madaxweyne Kibaki ayaa hadalkan sheegay mar uu xarunta Midowga Afrika kula kulmayey Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mr. Ban Ki.Moon oo halkaas u yimid ka qaybgalka shirmadaxeeda Midowga Afrika ee sanadkan.

Madaxweynaha Kenya ayaa waxa uu si gaar ah u tilmaamay qaxootiga faraha badan ee Soomaaliyeed ee dalkiisa kusoo qulqulaya, kuwaasoo kasoo cararaya dhibaatooyinka ka taagan waddankooda ay sababi karaan xaalad qatar gelin karta ammaanka waddankiisa, ayadoo uuna caddeeyey in dalkiisu uusan awood u lahayn wax u qabashada dadkaas Soomaaliyeed ee ku soo barakacay dagaallada ka taagan Soomaaliya.

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay Mr. Ban Ki-Moon ayaa asagana dhankiisa sheegay in QM ay wax ka qaban doonto nabad kusoo dabaalidda waddanka ay Kenya deriska yihiin ee Soomaaliya ee ay dagaalladu ka socdaan muddada ku dhow labaatanka sano.

Hadalka madaxweynaha Kenya Mwai Kibaki ayaa waxa uu kusoo aadaya waqti ay Kenya ciidamo fara badan soo dhoobtay xuduudda ay la wadaagto Soomaaliya, ayna dhowaan dalkeeda ka qabqabatay Soomaali fara badan oo ay ku jiraan mas'uuliyiin ka tirsan labada gole ee Dowladda Soomaaliya iyo saraakiil horey uga tirsanaan jiray ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya.


Add New Comment